Afar Caruur oo degmada Burco gobolka Togdheer ee Somaliland ugu geeriyooday biyo sumeysan oo ay cabeen

Afar caruur ah ayaa xalay ugu geeriyooday biyo sumeysan oo ay cabeen ugu geeriyooday degmada Burco gobolka Togdheer ee Somaliland, waxaana cararuurtan la sheegay inay ahaayeen kuwo da’doodu u dhexeysay 10 illaa 15-sanadood.

Guddoomiyaha degmada Burcdo oo la hadlay BBC-da saakay ayaa sheegay in afarta caruurta ah ay laba ka mid ah ku geeriyoodeen goobta ay biyaha ku cabeen halka ay labada kale ku geeriyoodeen isbitaalka Burco.

Caruurta biyaha sumeysan ku dhintay ayaa waxaa lagu kala magacaabaa: Axmed Cabdi Maxamed oo 15-jir ahaa, Mustafa Jaamac C/llaahi 10-jir ahaa, Axmed Maxamed Cabdi oo 12-jir ahaa iyo Abuukar Maxamed Cabdi oo 11-jir ahaa, waxaana la sheegay in wiil la socday uu badbaaday, kaddib markii biyaha uu cantuugay balse uu markiiba tufay.

Taliyaha booliiska degmada Burco Saleebaan Ducaale Ubaxle ayaa sheegay inay baaris ku wadaan ruuxii biyaha sumeysan goobta dhigay, uuna u sheegay inuu doonayay inuu cayayaan kaga dilo beer uu masaajidka ay caruurtan biyaha ku cabeen ku taalla.

Inkastoo aan la sheegin nooca sunta ayaa haddana taliyaha booliisku wuxuu sheegay inay baaritaanka badinayaan si ay u ogaadaan nooca sunta iyo sababta ka dambeysay in la dhigo goob ay dadku biyaha ka cabaan.

Dhaqtarka isbitaalka Burco Dr. Cabdi Yaasiin Xaaji Saleebaan oo isaguna ka hadlay falka ayaa sheegay inuu yahay midkii ugu horreeyay noociisa oo uu la kulmo intii uu isbitaalka ka shaqeynayay, wuxuuna ku tilmaamay masiibo fool xun.

Xaaladda degmada Burco ayaa xalay illaa saakay kacsan iyadoo dadku ay su’aalo badan iska weydiinayaan falka ay caruurtu biyaha sumeysan ku cabeen, waxayna dadku sheegeen inay tahay markii uu ugu horreysay oo ay Burco ka dhacdo arrintan oo kale.

Leave a comment

Filed under NEWS

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s