Ra’iisu Wasaare Farmaajo oo Xaqiijiyay in Dawladda Soomaaliya aysan kasoo qayb galidoonin shirka Nairobi.

Ra’iisul Wasaaraha DKMG ee Somalia Maxamed Cabdullaahi Maxamed ( Farmaajo) ayaa ku adkaystay in dawladiisu aanay marnaba kasoo qayb gali doonin shirka ay soo qabanqaabisay Qaramada Midoobay oo  la isugu keenayo dhinacyada Soomaalida kana furmaya magaalada Nairobi ee caasimadda dalka kenya 12 bisha April 2011ka.

Mudane Farmaajo  oo waraysi gaar ah siiyay shabakadda Hiiraan Online isagoo ku sugan magaalada Nairobi ayuu ku tilmaamay go’aanka dawladiisa inuu yahay mid ku yimid rabitaanka shacabka Soomaaliyeed oo uu sheegay inay dawlada u muujiyeen taageero dal iyo dibadba leh.

Mar aanu suaalnay in cadaadiska uga imaanaya qaar ka mid ah beesha caalamka oo ay ugu horreyso Qaramada Midoobay uu go’aankooda wax ka badali karo , ayaa Ra’iisul Wasaarahu uu ku nuuxnuuxsaday in go’aankoodu uu yahay lama taabtaan isaga sheegay in dawladda Somaliya aanay aqbali doonin in soomaalida loo kala turjumo oo shirar banaanka loogu qabto, shir walba oo Soomaali loo qabanayana uu noqon doono mid ka dhaca gudaha Dalka.

Ra’iisul Wasaaraha  waxaa kale oo uu carrabka ku dhuftay inuu go’aankooda uu taageeray dhigiisa dalka Kenya Mr. Raila Odinga oo isna dalbaday in shirarka Soomaalida lagu qabto gudaha Soomaaliya.

Waxaa kale oo iyana go’aanka xukuumada is garab taagtay dawladda Djibuuti oo iyana codsatay in haatan wixii ka dambeeya ay Soomaalida wadankooda ku shiraan Khilaafoodkoodana ku xallistaan iyadoon cidina dhexdhexaadinaynin.

Mar aanu wax ka waydiinay sida uu u arko hadalkii ergayga gaarka ah ee arrimaha Soomaaliya u qaabilsan Qaramada Midoobay Augustine Mahiga kaasoo ku tilmaamay Ra’iisul Wasaaraha nin hammi wayn , ayuu Farmaajo ku jawaabay “ haa , waan hammi waynahay , ummadu soomaaliyeedna way hammi wayntahay , waxayna  doonaysaa inay sharafteeda ay soo ceshato”.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa sidoo kale cadeeyay in  kulankii maanta uu la qaatay dhigiisa dalka Kenya  Mr. Raila  Odinga inuu ahaa mid jawi wanaagsan ku soo dhammaaday ayna  isla afgarteen xoojinta xiriirka dhaqaale iyo kawada shaqaynta la dagaallanka argagixisada iyo burcad badeeda.

Leave a comment

Filed under NEWS

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s