Puntland Deegaano ka Mid ah oo Maamul Goboleedyo Gooni ah Looga Dhawaaqayo [Warbixin]

Waxaa soo shaac baxaya wadatashiyo gaar gaar ah oo Beelaha Puntland qaar ka mid ah uga arinsanayaan sidii ay uga madax banaanan lahayeen Maamulkii wadajirka lagu yagleelay ee Puntland, taasoo taladiisa gacanta u gashay shakhsiyaad leh dano Qabiil iyo dano u gaar ah Madaxda xukunka sare haya.

Beealaha Gobolka Bari oo ah kuwa ugu tirada iyo wax soo saarka badan waxa ay ka mid yihiin kuwa doonaya hadda in ay helaan Maamul u gaar ah dhanka deegaanka Xeebaha Badda Cas iyo Badda Hindiya dhaca oo ah dhul baaxad weyn oo ilaa sadex Gobol lagu qiyaaso inuu ku fadhiyo.

Kulamada iyo Wadatashiyada waxay gurfeynayaan hadda ka socdaa deegaanka Bari in lagu yagleelo Maamul ay dhistaan dadyowga degan Dhulkaas oo ka madax banaan Maamul Goboleedka Puntland. Qaban qaabada kulan weynaha Beelaha Gobolka Bari oo la filayo dabayaaqada Bishan inuu ka qabsoomo Bariga Puntland waxaa la qorsheynayaa in wafuuda isugu tagtaa halkaas ay ku dhawaqaan Maamul Goboleed ay isku racaan oo nidaanka Deegaankaas horumariya Mustaqbalka nabad iyo xasiloonida doorweyn ka qaata.

Waxaa kaloo jira warar sheegaya in dhanka Gobolada Sanaag iyo Hayland laga wado shirar hoosaadyo iyo wadatashiyo lagu shidayo Maamul Goboleedka Maakhir State oo rag aqoonyahano ka soo jeeda deegaankaas ay wadaan qaban qaabada kulankaas.

Dhismaha Maakhir State waxa uu dhabar Jab wayn ku Yahay Maamulkii Puntland Horay loo oran Jiray ee Woqooyi Bari Somaliya.

Dadka Siyaasada Falan qeeya ayaa leh dhismaha Maamulkaasi wuxuu Horseedayaa in Guud ahaan PL ay Noqoto Meel Koox Koobani kaliya ay ku Nooshahay marka loo eego Baaxada Maakhir Badd iyo Bari oo ah mid in badan la Loolami Karta dhanka Dhaqaalaha iyo Baaxada Dhulka Maamulka Puntland.

Sool iyo Cayn [SC]  Maamulka la baxay ayaa sidoo kale waxaa muuqata in uu door fiican ka ciyaaray xal u helida siyaasadda deegaanka Puntland iyo Somaliland siyaasiyiintooda ku hardami jireen, waxaadna iminka moodaa in ay heleen aqoonsi caalami ah oo ah aayo ka talinta Deegaanadooda.

Isku soo wada duub waxaa muuqata in fashilaad weyn oo dhanka siyaasadda ah soo foodsaarayo Madaxweynaha hanka weyn ee aan hoostiisa eegin C/raxmaan Faroole la soo daristay. waxaana iska cad in xaalada ay gaari doonto meel faraha Hooganka sare ee hadda maamula Xaafada Garoowe Taladooda ka bixi doonto marka ay tashadaan deegaanad Beelaha Degan.

2 Comments

Filed under NEWS

2 responses to “Puntland Deegaano ka Mid ah oo Maamul Goboleedyo Gooni ah Looga Dhawaaqayo [Warbixin]

  1. yaasalaam yaasalaam ,warkakan marunbaa mise waa iska dheh,
    aad iyo aad ayaan ugu fraxsanahay maqaalkan waxaase aan rajaynayaa in uu rabi ka dhigo sidaa wax ay ku tahayna malaha.
    hadii aad dib u fiirisid deegaankan la baxay puntland mahan mid ay halbeela samaysay ee waa goaan beelobadan oo isutagay kasoo baxay ayagoo raba in ay iskaashadaan waxna wada qabsadaan ,balse bahasha waxay noqotay makhaayad hal beela ay waxka kariyaan kana iibiyaan ayna isu naawilaan ,hadii ay sidaa noqotayna waa suuragal in ay beelahii sameeyay bahasha ay isaga baxaan oo iskood wax u qabsadaan waayo qofwaliba deegaankiisa ayuu makhaayad kasamaysan karaa oo isu naawilikaraan intuu qofkale sameenlahaa oo kibir ka qaadi lahaa asagoo isu filaya in aan la ga baxikarin oo ayada un laga cunteeyo,waa aay dhamaatay riwaayaddaa sidaa ayaana khayrka ku jiraa yaanan laga noqon goaankaa ayaan ku talin lahaa ,ama in uu is casilo kaashiyeerka makhaayadda iyo dhalaankiisaba.kkkkkkkkkkk!
    mahadsanidin.
    abdalla.

  2. farhaan ismaaciil haahiye

    alla maxaad run sheegtey runtii waa uu fashilanyahay xagee ayuu aadi oo uuu wax ka doonan ninka utaliya garoowe oo sidii loo doortey halmar kaliya kasoo baxay runtiia aad ayaan u soo dhawey mamulaka sool iyo cayn thanks walaahi hadalkaas waan ku farxay oo gobolada uu ku faanaayo xagee ayuu faroole ka keeni allah yaa u sheege in caseyland ay iyadana goosan mar aanaan fogey puntlan maxamuud saleebaan ha isku soo haro

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s