Faah Faahin kasoo baxaysa doon tahriibayaal Somali kula qalibmatay…

Faah faahin dheeri ah ayaa kasoo baxaysa doon dad Soomaali ah ay saarnaayeen oo ku qalibmatay badda u dhaxysa Talyaaniga iyo Liibiya xili ay doonayeen inay Tahriib ku galaan dalka Talyaaniga.

Sida ay sheegayaan ciidamada ilaalada ee xeebaha dalka Taliyaaniga muhaajiriin isugu jirta Soomaali iyo Bangladesh ayaa lagu la’yahay xeebaha u dhaxeeya dalalka Talyaaniga iyo Libiya.

Muhaajirinta la la’yahay ayaa tiradoodu lagu sheegay in ka badan 250- kuwaasi oo 15-ka mid ah meydadkooda laga helay xeebaha dalka Talyaaniga, waxaana wararku ay intaasi ku darayaan in doonidii ay saarnaayeen kula dagtay Xeebta ku dhow Magaalada Lambadusa ee Koofurta Talyaaniga.

Sarakaalka ka tirsan ciidamada ilaalada xeebaha dalka Talyaaniga ayaa waxaa uu u sheegay Wakaaladda wararka ee AFP in shilka doontaani uu yimid ka dib markii ay kaceen duufaano iyo dabeylo aad u xoogan taasi oo keentay in doonida ay degto waxaana  uu intaasi ku darey in iminka ay socdaan hawlo lagu samataibixinayo dadkii saarnaa doonida iyadoona ay yartahay fursadda ah in dadkaasi nolol lagu helo.

Ma ahan markii ugu horeysey oo ay tahriibayaal Soomaali ah dooni kula qalibanto Xeebaha u dhexeeya Talyaaniga iyo Liibiya, iyadoo wali ay jiraan dhalinyaro Soomaali ah oo doonaysa inay u Tahriibaan dalal kale maadaama ay dalka Soomaaliya ay ka jiraan dhibaatooyin kala duwan.

Leave a comment

Filed under NEWS

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s