Dibadbax looga soo horjeeday Shirka Nairobi oo ka dhacay Muqdisho(Sawiro )

Banaanbax looga soo horjeedo shirka uu qaban qaabinayo Ergayga gaarka ee Qarmada Midoobay u qaabilsan arimaha Augustine Mahiga ayaa maanta waxaa uu ka dhacay Magaalada Muqdisho.

Dibadbaxyadaani oo ahaa kuwa balaaran islamarkaana si heersare ah loo soo agaasimay ayaa maanta waxaa ay ka dhaceen guud ahaan degmooyinka ay gacanta ku hayso dowladda KMG Soomaaliya, waxaana ka qeyb qaatay Odayaasha dhaqanka Soomaaliyeed, Ururada Haweenka, Xoogaga wadaniyiinta, Golaha isu taga dhalinyarada, Golaha Abwaanada aragtida fog iyo barbarta gaashaaman.

Banaanbaxayaasha ayaa waxaa ay socod dheer kusoo mareen wadooyinka waawayn ee magaalada Muqdisho, iyagoo ku dhawaaqayay ereyo ay ka mid ahaayeen ( Shirka Niarobi waa shirkqoolka shacabka Soomaaliyeed, shirka Nairobi wuxuu caqabad ku yahay horumarka ay Xukuumadda ka gaartay amniga, siyaasadda iyo dhaqaalaha dalka Soomaaliyeed,  diban daabyada uu wado Mahiga  waa horumarka Al Shabaab) iyo ereyo kale oo ka turjumayay sida bananabaxayaashaasi ay ugu soo horjeedeen shirka lagu in uu ka dhaco Dalka Kenya.

Dibadbaxayaasha ayaa gaba gabadii waxaa ay isgu soo urureen fagaaro wayn oo ku dhexyaal Xarunta Iskoool Boolisiya ee Magaalada Muqdisho halkaasi oo ay ka hadleen Mas’uuliyiin kala duwan oo ka socotay bulshada rayidka Soomaaliyeed.

Kusimaha gudoomiyaha golaha isugu taga dhalinyarada Soomaaliyeed C/fitaax Cali Xasan oo la hadlay dadkii dhigayay banaanbaxa ayaa waxaa uu sheegay in shacabka Soomaaliyeed ay ka go’an tahay inay ka hortagaan waxyaabaha kasoo baxa shirka wadatashiga ah oo ay Qaramada Midoobay qaban qaabisay kaasi oo lagu wado in uu ka dhaco Caasimadda dalka Kenya.

Sidoo kale banaanbaxaasi ayaa waxaa ka hadlay Marwo Faadumo Aadan Cosoble oo ah Xoghaya guud ee Ururka Haweenka Soomaaliyeed, waxaana ay sheegtay in loo baahanyahay in Augustine Mahiga uu faraha kala baxo qadiyadda shacabka Soomaaliyeed, iyadoo intaasi raacisay inaysan jirin cid dagaalsan oo lagu dhex dhexaadaniyo shirka wadatashiga ah ee Kenya.

Marwo Faadumo Aadan Cosoble ayaa waxaa ay xustay in hadii shir la qabanayo loo baahanyahay in lagu qabto Caasimadda dalka Soomaaliya, iyadoo shaaca ka qaaday in Caalamka looga baahanyahay in uu barbar istaago Xukuumadda KMG Soomaaliya oo ay sheegtay inay wax badan ka qabtay xaaladda amaan ee Muqdisho.

Banaanbaxaani maanta ka dhacay goobaha ay Maamusho dowladda KMG Soomaaliya ayaa waxaa uu kusoo beegmayaa xili maalintii shalay dibadbaxyo nuucaani oo kale ah ay ka dhaceen gobolada Sanaag, Sool iyo Ceyn kuwaasi oo lagu taageerayay go’aankii horey ugu soo baxay Xukuumadda KMG Soomaaliya ee ahaa in aan gabi ahaamba laga qeyb galay shirka ay gadaal kariixayso Qaramada Midoobay

Leave a comment

Filed under NEWS

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s