Banaanbaxyo ka dhacay degmooyinka Luuq, Doolow iyo B/xaawo ee gobolka Gedo

Banaanbaxyo ballaaran oo si weyn loo soo abaabulay ayaa maanta mar kale ka dhacay magaalooyin ka tirsan gobolka Gedo, gaar ahaana degmada Luuq, Doolow iyo Beledxaawo ee dalka Soomaaliya waxaana banaanbaxyadani lagu taageerayay go’aankii diidmada ahaa ee Xukuumada Federaalka KMG ah ee Soomaaliya ay ku qaadacday ka qeybgalka shirka Q/midoobay ay qaban qaabisay ee wadatashiga  iyo sidoo kale taageero ay u muujinayeen go’aankii xukuumada ee muddo kordhinta hay’addaha Dastuuriga ah ee Dowladda.

Banaanbixii ugu horeeyey ayaa maanta ka dhacay magaalada Luuq ee gobolka Gedo halkaasoo ay isugu soo baxeen kaasoo ay isugu soo baxeen kumanaan dadweyne ah oo muujinayay go’aankii ka soo baxay dowladda waxaana dadkaasi ay isugu jireen dhalinyaro, haween iyo waxgaradka magaalada.
Dadweynihii isu soo baxay ayaa waxay wateen boorar ay ku qornaayeen waan taageersanahay dowladda federaalka…., doonimeyno Alshabaab….Soomaaliya Soomaalibaa leh dooni meyno shirka shirqoolka ee Q/midoobay iyo erayo kale, waxayna lug ku soo dhex mareen waddooyinka magaalada Luuq halkaasoo ay ugu dambeyntii usugu soo urureen goob fagaare ah.

Guddoomiyaha gobolka Gedo Maxamed Kaliil oo la hadlay dadweynihii isu soo baxay ayaa u sheegay in dadka ku dhaqan gobolka Gedo ay taageero u hayaan go’aankii ay dowladda Federaalka KMG ah ee Soomaaliya ku gaartay in aysan ka qeyb galin shirka la sheegay inuu ka dhacayo magaalada Nairobi ee ay garwadeenka ka tahay Q/midoobay wuxuuna xusay in ay ku taageersan yihiin go’aankoodaasi dhamaan shacabka Soomaaliyeed.

Dhinaca kale, banaanbaxyo kuwan la mid ah ayaa waxa ay ka kala dhaceen degmooyinka Beledxaawo iyo Doolow ee gobolka Gedo kuwaasoo ay soo abaabuleen qeybaha bulshada rayidka ee degmooyinkaasi waxayna banaanbaxayaashu muujiyeen shucuurtooda ku aadan shirka Q/midoobay ee ka dhacaya magaalada Nairobi ee dalka Kenya, waxayna taageereen in go’aankii dowladda ay mudada ku kordhisatay iyo weliba hadalkii ka soo yeeray labo cisho ka hor Ra’iisul Wasaare Farmaajo kaga dalbaday hay’addaha Q/midoobay inay muddo 90 cisho gudahood ah ku soo degaan gudaha dalka Soomaaliya gaar ahaana Caasimadda.

Leave a comment

Filed under NEWS

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s