Allaha ha u naxariistee nabadoon Saalax Cabdisalaam Axmed[Faqash] ayaa caawa kooxo hubaysan ay ku dileen gudaha magaalada Bosaso.

Dilkan ayey geysteen rag ku hubeysan bistoolado,kuwaasi oo xabbado ku furay marxuum Saalax Cabdisalaam Axmed xili uu kasoo baxay salaadii makhrib masjid kuyaala xaafada Biyo Kulule oo lagu magacaabo Al-raxma.

Sidoo kale waxaa dhaawac uu kasoo gaaray rasasaastii la furay labo nin oo dhalinyaro ah oo kasoo baxay masjidka,waxaana sida ay sheegeen laamaha caafimaadka in mid kamid ah uu geeriyooday kaasi oo lagu magacaabi jiray allaha ha u naxariistee Sadiiq.

Falkaan ayaa markii uu dhacay waxaa goobta soo gaaray laamaha amniga ee Bosaso,iyagoona baaritaano ka bilaabay goobta uu falku ka dhacay.

Allaha ha u naxariistee marxuum Saalax Cabdisalaam Axmed ayaa ahaa nabadoon firfircon oo ka dhexmuuqan jiray bulshada dhexdeeda magac weyna ku lahaa.

Marxuum Saalax ayaa ifka wuxuu uga tagey laba xaas iyo afar wiil iyo gabar kuwaasi oo aad u da’yar kuna nool magaalada Bosaso,waxaana xusid mudan in marxuumku uu kusoo biiray nabadoonada gobolka Bari 2006-dii, wararka qaar ayaa sheegaya in dhawaan loo dooran lahaa Suldaan, waxaana uu beddeli laha Suldaan Ciise Xassan oo bishii Nofember sanadkii hore lagu diley magaalada Bosaso.

Leave a comment

Filed under NEWS

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s