Farmaajo iyo Raila Odinga oo kulan ku yeelanaya Nairobi

Ra’iisul wasaaraha dowladda KMG Soomaaliya Max’ed Cabdullaahi Farmaajo ayaa maanta u dhoofay Magaalada Nairobi ee xarunta dalka Kenya isagoo halkaasi beri kulan kula qaadanaya dhigiisa dalka Kenya Reali Odinga

Aqriso warsaxaafadeed ka soo baxay xafiiska Farmaajo ee Muqdisho

(Muqdisho – Khamiis, 06 April 2011)—–Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Mudane Mohamed Abdullahi Mohamed iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta ka duulay gegida dayuuradaha ee Aden Adde International Airport isagoo ku sii jeeda Dalka Kenya oo uu casuumaad Rasmi ah ka helay Ra’iisul Wasaaraha dalka Kenya.

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Mudane Mohamed Abdullahi Mohamed ayaa waxaa safarkiisa ku wehelinayay xubno ay ka mid ahaayeen Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Gaadiidka C/qaadir X. Maxamed (Suldan lugadhere), Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed Jen. C/qaadir  Sh. Cali Diini, La-taliyaha Ra’iisul Wasaaraha iyo Eng. C/raxmaan Cumar Cismaan (Yarisow), waxaana la filayaa inuu dhigiisa Ra’iisul Wasaaraha Dalka Kenya Mudane Raila Odinga uu la qaato kulan rasmi ah maalinta Khamiista 7-da April 2011 si ay uga wada hadlaan arrimo fara badan oo ay ka mid yihiin sidii loo sii xoojin lahaa xiriirka labada dal ee wallaalaha ah, sii xoojinta la dagaalanka kooxaha xagjirka ah ee argagaxisada ah ee dhibka ku haya dalka Soomaaliya iyo waddamada deriska ahba.

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya ayaa yiri “Waxaan aad iyo aad ugu faraxsanahay in Ra’iisul Wasaaraha Dalka Kenya uu igu casuumo dalkiisa isla markaana aan yeelano kulan muhiim u ah labada dalba. Kenya waa dal aan wallaalo nahay, runtiina u istaagan sidii ay u caawini lahaayeen shacabka soomaaliyeed iyo sidii waddanka Soomaaliya uu u yeelan lahaa Dowlad soo celisa amniga iyo kala danbeynta. Arrimaha aan kala hadli doono ayaa waxaa ka mid ah xiriirka labada dal, arrimaha amniga, arrimaha qaxootiga soomaaliyeed ee ku sugan Dalka Kenya iyo arrimaha xilliga kala guurka ah iyo go’aamadii Dowladda FKMG ah ee la xiriira xilliga kala guurka ah iyo sidii xal loogu heli lahaa soo afjaridda dhibaatada dalka Soomaaliya.”

Kulankan ayaa lagu wadaa inuu ku soo dhammaado afgarad iyo labada dal oo xiriirkooda wallaaltinimo sii xoogooba.

Leave a comment

Filed under NEWS

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s