Dabley hubeysan oo dad ku laayey caasimadda Puntland ee Garowe

Waxaa maanta ka dhacay bartamaha caasimadda Puntland ee Garowe dil aad u foolxun, kadib marki dabley hubeysan ay rasaas la beegsadeen Sarkaal ka tirsan Hay’adda Cilmibaarista Puntland ee PDRC. Maxamed Yaasiin Ciise (Ilkacase) oo ahaa Agaasimihii Maamulka iyo Dhaqaalaha ee hay’adda PDRC ayaa kamid ahaa dadkii ku dhintey dilkaas fooshaxun, waxaana wararku sheegayaan in Ilkacase uu ahaa bartilmaameedka dableyda.

Dadka ku dhintey weerarka dableyda hubeysan ayaa la sheegayaa in ay gaarayaan ilaa 3 qof,  Maxamed Yasin Ciise (Ilkacase) iyo nin ahaa ilaaladiisa ayaa isla goobta ku dhintey, waxaana ku dhaawacmey saddex qof oo kale, kuwaas oo kala ah nin gaariga la saarnaa Ilkacase, nin fadhiyey meel u dhaw halka weerarku ka dhacay oo isagana rasaastu heshay, iyo gabadh gaariga lagu laayey dadka uu ugu galay gurigeedi, kadib markii wadihii gaariga xabaddo ku dhaceen, dadka dhaawaca ah ayaa la sheegayaa in ay yihiin kuwo xaaladoodu aad u liidato

Wararka aan ka helayno Garowe ayaa sheegaya in dableydii weerarka geystey ay ka baxsadeen goobta, waxaana wararka qaarshegayaan in ay magaalada isaga baxeen. Booliska ayaa wada baaritaan ay ku baadigoobayaan dableydii dilka geysatey.  Sidoo kale wararka ayaa intaas ku daraya in falkaani la xiriiro aano qabiil isla markaana bartilmaameedku ahaa Maxamed Yasin Ciise (Ilkacase) rabbi ha u naxariistee, inkasta oo dadka waxyeeladu soo gaartey ay beelo kala duwan ka soo jeedaan.

Maxamed Yaasiin Ciise (Ilkacase) ayaa ka tirsanaa hay’adda PDRC tan iyo sanadkii 1998-dii, waxaana uu la shaqo bilaabey markii la dhihi jirey War-town Society, waxa uu ahaa nin aad u fur-furan, shaqo badan isla markaana kamid ahaa tiirarka PDRC.

Dhamaan shaqaalaha Warbaahinta Horseed Media waxay tacsi tiiraanyo leh u dirayaan qoyskii iyo qaraabadii uu ka tegay Ilkacase, sidoo kale waxaan tacsi taas lamid ah u direynaa shaqaalaha hay’adda PDRC geerida naxdinta leh ee ku timid.

Leave a comment

Filed under NEWS

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s