Mahiga oo ka biya diiday in hay’adaha QM ay yimaadaan Somaliya

Kadib markii shalay Ra’iisul wasaaraha dowladda KMG Soomaaliya uu ku amray hay’adaha samafalka ee Qaramada Midoobay in mudo 9 cesho ah ay ku yimaadaan gudaha dalka Soomaaliya ayaa hadalkaasi waxaa ka jawaabauy ergeyga gaarka ah ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya Augustine Mahiga.

Waxa uu sheegay Mahiga in dhibaatada xiligaan ka jirta Soomaaliya awgeed aysan suurta gal aheeyn in xiligaan ay hay’adaha samafalka u soo wareegaan gudaha dalka Soomaaliya, isagoo warkii Ra’iisul wasaarahana ku tilmaamay in uu ahaa mid hanweyne ay ka muuqato sida uu warka u dhigay.

Mr. Mahiga waxa uu xusay in xiligaan shaqaalaha hay’adaha Qaramada Midoobay aan lagu aamini Karin  marxalada ka jirta dalka Soomaaliya islamarkaana aan loo heyn tisaalaad ay uga howlgalaan gudaha dalka Soomaaliya, waxaana uu carabka ku dhuftay in waqtigaan la taaganyahay aysan suura gali Karin in xafiisyo ay ka furato qaramada Midoobay gudaha Magaalada Muqdisho.

“Hadalka Ra’iisul wasaaruhu waa mid aad u hanweyn oo aan aqoonsaneyn xaqiiqda ah in Qaramada midoobay ay haatan ka dhex muuqato Soomaaliya, dhab ahaateen 1500 oo shaqaale ayaa ka howlgala Soomaaliya oo ay qaramada midoobay leedahay 7 boqol oo ka mid ah waa Shaqaale Soomaaliya u dhashay inta kale waxa ay ku suganyihiin Nairobi balse waxa ay marar badan booqdaan Soomaaliya” ayuu yiri Augustine Mahiga.

Ugu dambeyntii Ambassador Mahiga waxaa uu sheegay in qaramada Midoobay mudooyinkii u dambeeyay ay kordhisay shaqaalaheea jooga Soomaaliya kuwaasi oo uu xusay in ay haatan ka howlgalayaan meelaha xasiloon, isagoo dhinaca kale carabka ku dhuftay in ay sameyn doonaan gudi soo baara amaanka meelaha dhawaan ay qabsatay dowladda KMGH Soomaaliya.

Hadalka argeyga gaarka ah ee qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya ayaa imaanaya xili Ra’iisul wasaaraha dowladda KMG Soomaaliya uu ugu baaqay hay’adaha samafalka in mudo sedax bilood ah ay ku yimaadaan gudaha Magaalada Muqdisho si dadka ay u caawiyaan.

Leave a comment

Filed under NEWS

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s