Soomalida ku dhaqan wadanka Talyaaniga iyo dhibka ka haysta Baasaboorka Soomaaliga ah

Shacabka Soomaliyeed ee u soo hayaamay wadanka Talyaaniga oo ka mid ah wadama Midawga Yurub , Ayaa waxaa la soo daristay Xaalad aysan qaadan karin Baasaboorka lagu socdaalo ee ay bixiyaan wadamada Reer galbeedku ee dadka qaxootiga ah la siiyo  loogana  Yaqaan wadanka Talyaaniga ( titolo di viaggio)

Arintaan ayaa waxay timi ka dib markii uu codsi u diray dawlada Talyaaniga Safiirka Soomaaliya ee dalka Talyaaniga Nuur Xasan Xuseen (Nuur cadde) oo uu ku codsanaayo in dawlada Talyaanigu joojiso  bixinta Titolo di Viaggioda uuna soo bandhigay in safaaradiisu bixinayso Baasaboor Soomaali .

Codsigaas ayay ka soo jawaabtay dawlada Talyaanigu waxaana hada ka bilowday wadanka Italy in soomaalida joogtaa ay si qasaba ku qaataan Baasaboorka Soomaali ah .

Hadaba dadka Soomaaliyeed ee u soo hayaamay wadanka Talyaaniga ayaa ka muujiyay walaac arintaan sababta oo ah Baasaboorkaan Soomaaliga ah ayaan lagu tagi karin wadamada kale ee Midawga Yurub .

Sanadki hore ayay ahayd mar uu Safiir Nuur ku tagay Safar wadanka Sweden kalana hadlay Madaxda wadankaas u qaabilsan arimaha socdaalka in dawladiisu ay bixinayso Baasaboor soomaali sidaas darteena ay ka rabaan dawlada Sweden inay Ogolaato Baasaboor Soomaaliga madaama ay tahay Sweden wadama ay aadka ugu badan yihiin Dadka Soomaaliyeed .

Dawlada Sweden ayaa diiday arintaas kuna tilmaantay inay tahay mid qaldan madaama dadkaanu yihiin kuwo ka soo cararay dalkoodi ayna xaq u leeyihiin Baasaboorka qaxootiga  ee wadanka Sweden bixiso .

Arintaan ayay ka sameeyeen Soomaalida ku dhaqan wadanka Talyaanigu Mudaharaadyo badan Balse dawlada Talyaanigu Dhag jalaq uma siin cabashada dadkaas Soomaaliyeed .

Waa tanaa Ifraax oo Ka qaadatay Safaarada soomaaliya ee wadanka Talyaani Baasaboorka Soomaaliga ah  Hadaba Ifraax oo aan waydiinay dhibka ka haysta Haysashada Baasaboorka soomaaliga ah Waxay Tiri .

” Waxaan soo galay Wadankaan 2007 waxaan ka qaatay Sharciga Bini aadantinida ee 3da sano ah waxaan aaday wadanka Norwey waxaan codsaday Magan galyo kale Balse mudo 6bilood ah ka dib waa la isoo celiyay oo waxaa I qabtay Heshiiskii  Dublin  343/2003 ay ku galeen wadamada midawgaa Yurub .

Waxaan dib ugu soo noqday Italy waxaan bilaabay shaqo mudo sadexsano ah ka dib waa iga dhacay sharcigi ka dibna waan xereeyay waxaa markaas la igu yiri Baasaboorka Socdaalka u doono Safaaradaada , waan qaatay in kastoo dad badani igu dhaheen kan meel laguma aado balse waan ku madax adeegay waxaana kaga dhoofay aniga oo u socda qaraabadayda oo ku dhaqan Sweden Gagida diyaaradaha ee Roma ka dib markii aan ka dagay Garoonka magaalada Gothenburg waxaa la i waydiiyay Basaboorkaygi ka dibna waxaa la iigu Jawaabay kan 1991 ayaan shaqayntiisa joojinay waana la isoo ceshey ”

Nuur Cade ayaa isugu ah mid aan eegayn Baahida dadka Soomaliyeed ee uun eegaaya 150 Euro ee laga bixiyo Baasaboor Soomaaliga waxaana la soo gudboonaatay Xaalada cakiran Dadka soomaaliyeed ee jooga Italy awalna aanba ku haysan Daryeel wadanka Talyaaniga .

Mohamed Ali

AllCaseyr.net

Roma

Leave a comment

Filed under NEWS

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s