Israsaaseyn sabaabtay dhimasho iyo dhaawac oo ka dhacday Dharkeenlay

Isarasaaseyn sababatay dhimasho iyo dhaawac aya barqo nimadii maanta ciidamo kawada tirsan dowladda KMG Soomaaliya waxaa ay ku dhexmartay degmada Dharkeenlay ee gobolka Banaadir.

 

Inta la’ogyahay 3-ruux oo uu ku jiray  askari ka tirsan ciidamada dowladda KMG ayaa ku dhintay 3-kalana way ku dhaawacmeen kadib markii barqo nimadii maanta ciidamo kawada tirsan dowlada KMG  ay isku rasaaseeyeen xaafadda Suuq Boocle degmada Dharkeenlay ee gobolka Banaadir.

Isrsaaseynta ayaa timid kadib markii qaar ka mid ah ciidamda dowladda KMG Soomaaliya ay isku dayeen inay canshuur ka qaadaan guri dhismo ku socday oo ku yaalay xaafadda Suuq Boocle, iyadoo ciidamo kale oo ka tiran dowladda KMG ay diideen in canshuurtaasi laga qaado gurigaasi taasi oo keentay in halkaasi uu iska horimaad ka dhaco.

Gudomiyaha degmada Dharkeenlay ee dowladda KMG Soomaaliya Macalin Cabdulle oo israsaaseyntaasi kadib u waramay Idaacadda Shabelle ayaa waxaa uu sheegay in iska horimaadkaasi ay u dhaxeeyeen Ciidamada dowladda islamarkana ay ku dhaawcmeen labo ruux sida uu hadalka u dhigay.

Israsaaseynta ayaa la tilmaamay inay socotay muddo saacado ah, waxaana dhaamaan hakad galay ganacsigii Suuqa Boocle degmada Dharkeenlay ee gobolka Banaadir inkastoo iminka uu jawiga kusoo noqday mid caadi ah.

Degmooyinka ay gacanta ku hayso dowladda KMG Soomaaliya aya inta badan waxaa ka dhaca israsaaseyn gaysato qasaaro dhimasho iyo dhaawac, iyadoo Mas’uuliyiinta dowladda KMG ay sheegeen inay ka hortagayaan israsaaseynta mar waliba dhexmarta askarta ka wada tirsan dowladda KMG Soomaaliya.

Leave a comment

Filed under NEWS

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s