Heshiis Rasmi ah Oo ay Wadagaareen Beelo Wada-dega Gobolka Bari [Sawiro]

Labada beelood ee Cali Saleebaan iyo Cali Jibraahil ayaa maanta gaaray heshiis rasmi ah oo u dhaxeeya labadaasi dhinac kuwaasi oo wada-dega gobolka Bari.

Munaasabad baalaran oo lagu qabtay Madaxtooyada magaalada Bosaso oo labada dhinac ay ku kala qaateen lacag mag ah oo gaareysa $451,000ayaa waxaa kasoo qaybgalay mas’uuliyiin ka tirsan Dawladda Puntland,Isimo,ganacsatada,haween iyo waxgarad ka kala socotay labada beelood.

Lacgtaasi ayaa waxaa kala gudoomay beelaha Cali Saleebaan iyo Cali Jibraahil iyo beesha Idigfacle oo saameyn ku yeelatay dirirtoodu madaama ay jireen dad si aan ku tala gal ahayn ugu geeriyooday dhexdooda,waxayna dhamaantood balan qaadeen xoojinta iyo ka shaqeynta nabada.

Guddiga nabada iyo dhex-dhexaadinta beelaha ee shaqaaqadii Igdhays ee gobolka Bari ayaa waxay ansixiyeen in la kala qaato magta wixii diyaar ah wakhtigaan,wixii harana loo balamo dhamaadka bisha ramadaan oo ku beegan 5.9.2011,wuxuuna guddigu sidoo kale soo saaray xukunada labada dhinac oo kala ah:

  • In qolo kasta hadda bixiso 66% taasi o u dhiganta $11,000 qofkiiba.
  • Cali Saleebaan waxay bixinayaan 26x$11,000=$286,000 taasi oo la siinayo Cali Jibraahil.
  • Cali Saleebaan waxay kaloo bixinayaan 4-qof x$11,000=44,000,waxaana la siinayaa beesha Muuse Nooleys.
  • Cali Jibraahil waxay bixinayaan 11-qofx11,000=121,000,waxaana la siinayaa Cali Saleebaan.

Xirriiriyaha gudiga nabada Jeneraal Cali Ismail oo ka hadlay munaasabadii maanta ayaa sheegay in marxaladii ugu danbeysay ay tahay ee kala qaadashada duugtii dadkii ku dhintay dagaaladii dhexmaray labada beelood ee Cali Jibraahil iyo Cali Saleebaan taasi oo ah waxay isugu yimaadeen.

Nabadoon Siciid Xuseen Cali oo ku hadlay magaca beesha Cali Saleebaan ayaa si weyn u soo dhaweeyey heshiiskan ay wada gaareen walaalahooda Cali Jibraahil ayna ku dadaalayaan in uu noqdo mid taaba gal ah.

Sidoo kale Caaqil Cali Cumar Guure oo isna ku hadlaayey magaca beesha Cali Jibraahil ayaa sheegay in maanta ay farxad weyn ay u tahay,wuxuuna sheegay in dagaal uusan faa’ido lahayn loona baahan yahay in laga wada shaqeeyo nabad ku wada noolaanshaha.

Mas’uuliyiin kala duwan ayaa ka hadlay munaasabada waxayana dhamaantood ay u soo jeediyeen labada dhinacba sidii ay u hirgelin lahaayeen heshiiskaan.

Dareenka Haweenka Gobolka Bari ee Heshiiska

Dhanka kale Haweenka kunool gudaha gobolka Bari gaar ahaana magaalada Boosaaso ayaa si weyn u so dhaweeyey heshiis ay maanta si rasmi ah u gaareen beelo wadadega gobolka Bari.

Guddoomiyaha haweenka gobolka Bari Maryan Maxamed Xasan[Maryan Gaduudo] oo la hadleysay saxaafada ayaa sheegtay in ay soo dhaweynayaan heshiiskaasi ay gaareen labada beelood ee walaalaha ah.

Maryan Maxamed Xasan[Maryan Gaduudo]  ayaa sheegtay in heshiiskaasi uu yahay mid isku keeni kara labada dhinac waa haddii ay ugu dhaqmaan sidii loogu talagalay ayey tiri.

Marwo Maryan ayaa ugu baaqday labada dhinac in colaad iyo in la dagaalamo ay tahay mid dib u dhac ah dhanka horumarka ah.
Si kastaba ha ahaatee arrintan ayaa kusoo beegmaysa xili maanta ay heshiis rasmi ah wada gaareen beelaha Cali Saleebaan iyo Cali Jibraahil gudaha magaalada Boosaaso.

Xigasho Horseedmedia

Allcaseyr.net

Leave a comment

Filed under NEWS

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s