Gudiga horumarinta gobolka raascasayr ayaa gaaray degmada bareeda ee gobolka raascasayr waxayna halkaas kala kulmeen soo dhowayn aad u baaxad wayn iyada oo dadwaynaha degmada bareeda ay ugu horyimaadeen gudiga meel ka baxsan magaalo xeebeedka Bareeda magaaladaas oo ah magaalo taariikhi ah facna wayn waxaana loo gudbiyayey gudiga gurigii loo diyaarshay gudiga horumarinta gobolka raascasayr ayaa la hadlay dadwaynaha Degmada Bareeda eng Farah Mohamuud Yuusuf (dooxajoog) oo la hadlayey dadwaynaha ayaa u sheegay dadwaynaha inay si wada jir ah u wada shaqeeyaan ayna ka fulin doonaan dhamaan dhismihii degmada sida Iskuulo MHC iyo Xarunta degmada waxuu sidoo kale sheegay in dhowaan ay qurba joogta gobolka raascasayr ay u imaan doonaan malgashi dhanka kheyraadka ilahay ku manaystay gobolka qaar ka mid ah dadwaynaha magaalo xeebeedka Bareeda oo warbaahinta la hadlaayey ayaa sheegay inay aad u soo dhowaynayaan horumarka ay wadaan qurba joogtu ayna uga mahadcelinayaan loona baahanyahay in lala shaqeeyo
isku soo wada duubo gudiga ayaan dhowaanahanba booqasho ku marayey dhamaan magaalooyinka gobolka raascasayr sidoo kale waxay ka fuliyeen mashaariic horumarineed oo ay dhagax dhigeen sidoo kale gudiga ayaa waxa ay raashin ka qaybiyeen deegano ka tirsan gobolka oo ay abaaro ka dhaceen
Allcaseyr.net
Siciid Yuusuf
Bareeda