Ciidamada Mariiniska ee Holland oo dilay burcad badeed Somali ah

Ciidamada Mariiniska Badda ee dalka Holland ayaa waxaa weerar ay ku qaadeen kooxha burcad badeeda Soomaalida ku dileen qaar ka mid ah kooxahaasi, iyadoo tiro kalena ay gacanta ku dhigeen.

 

Sida ay sheegtay Wasaaradda difaaca ee dalka Holland, Ciidamada Mariiniska ee badda Holland ayaa waxaa ay toogteen labo ka mid ah kooxaha burcad badeeda Soomaalida halka ay gacanta ku dhigeen 6-kale kadib howlgal ay kusoo bad baadinayeen Doon Kaluumaysi oo  laga leeyahay dalka Iraan taasi oo ku sugneyd Xeebaha dalka Soomaaliya.

Bayaan ay soo saartay Wasaaradda difaaca ee dalkaasi ayaa waxa lagu sheegay in labadaasi burcad badeeda Soomaalida ah ay ku dhinteen rasaasta ay is weedaarsadeen ciidamada Mariiniska ee dowladda Holland.

Marloes Visser oo ah Afhayeenad u hadashay Wasaaradda difaaca ee dalkaasi ayaa waxaa ay sheegtay in kooxaha kale ee gacanta ay ku hayaan Ciidamada Mariiniska ee Holland su’aalo lagu kor waydiinayo Markabka dushiisa.

Doonta Ciidamada badda ee Holland ay ka bad baadiyeen kooxaha burcad badeeda Soomaalida ayaa lagu magacaabaa HMS-Tromp taasi oo ay saarnaayeen Kaluumaysato u dhashay dalka Iran oo tiradoodu gaaraysay ilaa 6-ruux.

Leave a comment

Filed under NEWS

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s