Ciidamo ka tirsanaa Ahlu Suna oo ku biiray Dooxada Shabelle

Wasiirka warfaafinta Dooxada Shabelle Max’ed Nuur Cagajoof oo u waramayay Idaacada Shabelle ayaa waxa uu ka warbixiyay ciidamo ka tirsan Culumaa’udiinka Ahlu Sunna Waljamaaca oo ku biiray Maamulka Dooxada Shabelle.

 

Wasiirka ayaa waxaa uu sheegay in ciidamadaani ay gaarayaan ilaa 120 askari oo ka tirsan culumaa’udiinka Ahlu Sunna Waljamaaca kuwaasi oo uu tilmaamay in ay ka mid yihiin ciidamadii dhawaan lagu soo tababaray dalka Ethiopia islamarkaana ka soo jeeda gobolka Hiiraan.

 

Max’ed Nuur Cagajoof ayaa sidoo kale waxa uu sheegay in ciidamadaani maanta ku soo biiray maamulka Dooxada Shabelle ee ka soo goostay Culumaa’udiinka ahlu Sunna Waljamaaca aysan ku faraxsaneyn islamarkaana ay ka xunyihiin, isagoo tilmaamay in aanay wanaagsaneyn in ciidamadu markii ay soo tababartaan ay ka dhaqaaqaan fariisimihii lagu ogaa balse waxa uu xusay in ciidamadaani ka tirsanaa Ahlu Sunna iyo maamulka dooxada Shabelle ay isku cadowyihiin.

 

Waa markii ugu horeysay oo ciidamo ka tirsan Ahlu Sunna Waljamaaca ay ku biiraan Maamulka Dooxada Shabelle, iyadoo walina aysan jirin wax war ah oo ka soo baxay dhanka Maamulka Culumaa’udiinka Ahlu Sunna Waljamaaca oo mudooyinkii la soo dhaafay dhexdooda is khilaafsanaa.

Leave a comment

Filed under NEWS

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s