Madaxweyne Kibaki iyo Banki-Moon oo ka wada hadlay arimaha Somaliya

Madaxweynaha dowladda Kenya iyo Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay Banki-moon ayaa waxaa ay ka wada hadleen dhibaatooyinka ka jira dalka Soomaaliya.

Kadib kulan ay xalay ku qaateen Magaalada Nairobi ee Xarunta dalka Kenya Madaxweynaha dalka Kenya Moy Kibaki iyo Xogyahay guud ee Qaramada Midoobay Banki-Moon ayaa waxaa ay ka wada hadleen amaanka iyo xasiloonida gobolka Geeska Afrika gaar ahaan dalka Soomaaliya.

Madaxweynaha dalka Kenya oo kulankaasi ka hadlay ayaa waxaa uu sheegay in dhibaatada dalka Soomaalida aysan ku ekeyn oo kaliya amaanka iyo deganaanshaha gobolka balse ay Qatar wayn ku tahay ganacsiga badaha Caalamka.

Kibaki ayaa waxaa uu ka codsaday Qaramada Midoobay iyo Beesha Caalamka inay qaadaan talaabooyin deg deg ah oo wax loogu qabanayo arimaha aargi gixisanimada iyo burcad badeeda Soomaalida ee kusii xoogaysanaysa Xeebaha Soomaaliya.

“Waxaan rajaynaa in golaha amaanka ee Qarmada Midoobay uu door muhiim ah ka cayaari doono soo afjaridda dhibaatoyinka ka jira dalka Soomaaliya, kuwaasi oo saameeyey maalaayiin shacab ah aan waxba galabsan”” ayuu yiiri Madaxweyne Kibaki.

Dhinaca kale xoghaya arimaha Nabad galyada dalka Kenya Farancis Kimemia ayaa waxaa uu sheegay in dagaalada kasoo cusboonaaday xadka u dhuxeeya Kenya iyo Soomaaliya ay Qatar ku yihiiin amaanka dalka Kenya isagoo digniin u jeediyay Xarakada Al Shabaab.

Xoghayaha ayaa waxaa uu intaasi ku daray in dagalada daan daansiga ah ee Al Shabaab ay ka wadaan Xadka ay kala kulmi doonaan dharbaaxo xooagn oo ay qaadi doonaan Ciidamda Milatari ee dalka Kenya.

Kimemia ayaa waxaa uu is weydiiyay sababta ay Shabaab mar waliba ugu cagjugleeyaan shacabka Kenya iyo Magaalooyinka waawayn, waxaana uu sheegay inay talaabo ay ka qaadi doonaan Shabaab hadii ay isku dayaan inay falal amaan dari ka gaystaan gudaha dalkaasi.

Amuurahaani oo dhan ayaa waxaa ay kusoo aadayaan iyadoo Al Shabaab ay horey u sheegeen inay qaraxyo ka gaysan doonaan gudaha dalka Kenya kadib markii ay dowladdaaasi ku eedeeyeen inay taageero Milatari siiyaan Ciidamada dowladda KMG Soomaaliya.

Leave a comment

Filed under NEWS

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s