Madaxwayne Farooole oo mr Augustine Mahiga u sheegay in shirkii ka dhacay Baargaal looga hadlaayey arimaha burcad badeeda oo saldhig ka samaystay degaamadaas ee aan dan kale looga arinsanayn

Madaxwayanaha maamul goboleedka puntland Abdirahman faroole ayaa intii uu maamulka qabtay waxaa ka jira degaanada puntland xiisado iyo colaado aad u waawayn iyada oo uu faraha ka baxay amaankii lagu yaqaanay magaalooyinka waawayn ee maamulka puntland hadaba inta badan shacabwaynaha reer puntland ayaa ku tilmaama in madaxwayne faroole uu yahay mid ka fikir duwan dadwaynaha una shaqeeya dad gaara

sida aan ka warqabno waxaa shir ka dhacay magaalada baargaal waxaana shirkaas ka soo qaybgalay.

Beeldaajaha calbari iyo Dhamaan Salaadiinta iyo nabadoonada , Siyaasiyiinta , Aqoonyahanada , Ganacsatada , Qurbojoogta, Haweenka, Dhalinyarada, iyo ururada Bulshada ee Beelaha Siwaakhroon ee Degaanada Calbari  iyo Laaso Surad Kadib markii dhinacyo badan laga eegay dhibaatooyinka ka jira ee ragaadiyay degaanadaas iyo baahida loo qabo maamul hanta deegaankaas oo ka shaqeeya kobcinta  dhaqaalaha  , ka shaqaynta arimaha Bulshada  , amniga,  iyo guud ahaan sidi loo horumarin lahaa deegaanadass iyo guud ahaan sidi loogu heli lahaa dalka Soomaaliya Nabad.

wadatashi iyo falanqayn dheer kadib waxaa laysku raacay Go’aamo badan waxaana looga dhawaaqay gobol loogu magacdaray Raascasayr hadaba warar lagu kalsoonyahay oo aan ka helayno ilo ku dhowdhow madaxtooyada iyo xafiiska qaramada midoobay  u qaabilsan soomaaliya ayaa (United Nations Political Office  For Somalia ) sheegaya in wakiilka Qaramada Midoobe u qaabilsan Soomaaliya Augustine Mahiga uu madaxwayne faroole wax ka waydiiyey shirka baargaal mr Augustine Mahiga ayaa u sheegay faroole inay ka warqabaan dhaqdhaqaaqyada ka soconaya soomaaliya waxa uuna sheegay inay ku casumayaan shirka lagu wado inuu ka furmo Nairobi bishaan dhamaan maamulada ka jira soomaaliya si xal looga gaaro xaalada murugsan ee ka taagan soomaaliya ,

sidoo kale waxa uu wax ka waydiiyey horumar la,aanta ka jirta deegaamaas shirka ka dhacay iyo sababta aysan u gaarin xukuumadiisu  si kastaba ha ahaatee faroole ayaa ku ankiray mr Augustine Mahiga in halkaas uu ka dhacay shir lagu horumarinayo deeganada Raascasayr sidoo kalena waxa uu beeniyey gobol ka madaxbanaan kan bari looga dhawaaqay halkaas isaga oo ku macneeyey shirwaynihii ka dhacay degmada baargaal ee taariikhiga ahaa in uu ahaa shir looga hadlaayey arimaha burcad badeeda oo saldhig u ah degaamaas waa sida uu isagu hadalka u dhigaye

waxa uu sidoo kale uu u sheegay in deeganadaasi ay ka jiraan mashaariic horumaraneed ayna dhibta kaliya ee haysata ay tahay arimaha burcad badeeda ayna ka shirayeen say uga sifayn lahaayeen degaanadaas hadaba hadalka faroole ayaa waxa caro wayn ka muujiyey dhamaan bulsha waynta deegaanaas iyaga oo ku tilmaamay mid wax u dhimi karaa jiritaan puntland waxayna sheegeen in horay maamulka puntland uu isku dayey in uu beesha caalamka ka dhaadhiciyo in degaamaas ay joogaan argagixiso taas oo ka dhalatay duqayntii uu maraykanku u gaystay degmada baargaal . ugu dambayntii masuuliyiinta deegaanka Raascasayr iyo ururada dhalinyarada ,kuwa  haweenka ayaa la filayaa in ay dhowaan ka soo saaran warbixino iyo qoraalo ay ku cambaaraynayaan warbixinta uu madaxwayne faroole u gudbiyey wakiilka qaramada midoobe u qaabilsan soomaaliya Mr Augustine Mahiga

Allcaseyr.net

3 Comments

Filed under NEWS

3 responses to “Madaxwayne Farooole oo mr Augustine Mahiga u sheegay in shirkii ka dhacay Baargaal looga hadlaayey arimaha burcad badeeda oo saldhig ka samaystay degaamadaas ee aan dan kale looga arinsanayn

  1. bismilaahi alraxmani alraxiim

    waan idan salaamay dhamaan akhyaarta , maqaalkani waan aqriyay oo waan la yaabanahay oo ilama ahan in ruux froole oo kale ah in ay ka suura gasho in uu yiraa waxa maqaalka uu sheegay maladayda,dhanka kalena waa laga yaabaa in uu isku dayay in uu marin habaabsho caalimka madaama uu asaga ay ku soo noqonayso dhaliisha waxqabad la aanta iyo ilawga dowladda puntland ay ilaawsantahay gobolka caseyrland,oo haatan ummadda reer caseyr ay u kaceen arinkaa oo keeni kara kala guur hadii ayan u fiirsan doladda puntland waxqabadkeeda ku aadan gobolka caseyr, iyo dhaqdhaqaaqa ka bilaawday dalkeena caseyrland ee shacabka caseyr ku doonayaan horumarin deg deg ah dalkooda iyo gobolkooda ,iyo in ay helaan qismadooda ay ku leeyihiin dowladda puntland.
    waxaan codsanayaa in wax waliba oo la soo qoro in ay yihiin xaqiiqo hadii kale waxaa dhicikara in aanan la rumaysan marka xiga oo la soo qoro wax xaqiiqo ah, aad halooga degtoonaado amuurahaa oo kale ,cid aan wax ku eedeynayona majiraan ,hadii aanu rabno horumar waa in aan ka leexan jidka xaqiiqada marwaliba taabaa nagaarsiinaysa halka aanu higsanayno.
    mahadsanidin dhamaan.
    abdalla.

  2. waa salaamanthiin dhamaan shaqaalaha webka caysayr waxaan idinkula dardaarmayaa inaad ilaa lisaan jiritaankiina iyo kan umada soomaaliyeed dhaam teed gaar ahaana aad ilaa lisaan jiritaanka ppuntland mahadsanidiin

  3. CABASHO
    waxan kacabanaynaa qolaalada ku soobaxa wabka ALLCASEYR.NET
    oo an lahay wax tixraaca waxan codsanaynaa qofka qora warka fadlan kusooqor magacaaga iyo iimaylkaga si wixii ad qirtay adiga lakuugu sooraaco oo wixii cabo sho ah laguugu soogedbiyo
    mahad sanid
    mukhtar shaarub

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s