Wasiir ku xigeeno iyo Wasiiru dowlayaal lamaggacaabay

Ka dib xafladlagu qabtay xarunta madaxtooyada Soomaaliya ayaa Raysal wasaaraha xukuumadda KMG ee Soomaaliya mudane Maxamed C/llaahi Maxamed Farmaajo waxa uu ku magacaabay 11 xubnood oo isugu jira wasiir ku xigeen iyo wasiiru-Dowlayaal.

Xalada lagu magacaabay xubnahaan ayaa waxaa ka qayb galay Madaxweyne Shariif Sheekh Axmed, Raysal wasaare Maxamed C/llaahi Maxamed, wasiirro iyo xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka KMG Soomaaliya

Xubaha lamagacaabay oo isugu jira wasiiro ku xigeeno iyo wasiiru dowlayaal ayaa waxa ay kala ahaayeen.

1. Mudane C/casiis Xasan Maxamed “Laftagareen”, wasiiru-dowlaha wasaaradda Warfaafinta Boostaha iyo ISgaarsiinta.
2. Mudane Maxamed Sheekh Jaamac Negeeye, Wasiiru-Dowlaha wasaaradda Dastuurka, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta.
3. Mudane Feysal Cumar Guuleed wasiiru-dowlaha wasaaradda Howlaha Guud iyo dib-u-dhiska.
4. Marwo Khadiijo Maxamed Diiriye, Wasiiru-Dowlaha wasaaradda Tamarta, Batroolka, Macdanta iyo Biyaha.
5. Mudane Daa’uud C/kariim Xaaji Cumar, wasiiru-Dowlaha wasaaradda Shaqada, arrimaha Bulshada, Dhallinyarada iyo Ciyaaraha.
6. Mudane Maxamed Cabdi Xayir Maareeye, Wasiiru-Dowlaha xiriirka arrimaha Baarlamaanka.
7. Mudane C/rashiid Maxamed “Xidig”, wasiir ku xigeenka wasaaradda Gaashaandhigga.
8. Mudane Axmed Xuseen Xasan, Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Qorsheynta iyo Iskaashiga Caalamiga ah.
9. Marwo Saciido Xasan Cusmaan, wasiir ku xigeenka wasaaradda Dastuurka, Federaalka iyo Dib u heshiisiinta.
10. Mudane Cali Sheekh C/llaahi Afgooye, wasiir ku xigeenkaWasaaradda Shaqada, Arrimaha Bulshada, Dhallinyarada iyo Ciyaaraha.
11. Mudane Saciid Maxamed Jimcaale, wasiir ku xigeenka wasaaradda Waxbarashada, Hidaha iyo Tacliinta sare.

Hubnahayaan ayaa waxaa lagu dhaariyay isla goobtaasi waxaana dhaariyay wasiirda wacaalada Diinta iyo Owqaafta dowlada KMG Soomaaliya.

Ugu danbayntii ayaa waxaa halkaasi ka hadlay Madaxwaynaha dowlada KMG Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed waxa uuna ugu hanbalyeeyay masuuliyiinta lamagacaabay.

Leave a comment

Filed under NEWS

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s