Madaxweynaha Soomaaliya oo Xafiiskiisa ku dhaariyay Taliyayaal cusub oo loo magacaabay Ciidamada Qalabka sida (SAWIRRO)

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaliya Mudane Sharif. Sh. Axmed ayaa maanta xafiiskiisa ku dhaariyay Talliyaha Xoogga Dalka Soomaaliyeed S/Guuto Cabdulqaadir Sheekh Cali Diini iyo Talliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed S/Guuto Dr. Shariif Sheekhuna Maye.

Madaxweyne Shariif Sh. Axmed ayaa munaasabaddan waxaa ku weheliyey Raisul Wasaaraha Jamhuuriyada Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo, Raisul Wasaare ku- xigeenka ahna Wasiirka Gaashaandhiga, Cabdi Xakiin Xaaji Fiqi Wasiirka Arrimaha gudaha iyo Amniga Qaranka Cabdishakuur Sheekh Xasan Faarax, Wasiiru dowlaha Wasaaradda Gaashaandhigga Mudane Cabdi Maxamed Abtidoon iyo Jen. Axmed Geeddi  Jimcaale (Cirfiid) ahna Talliyihii hore ee Xoogga Dalka Soomaaliyeed.
Madaxweynaha Jamhuuriyada Soomaaliya Mudane Shariif Sh. Axmed ayaa u hambalyeey Taliyayaasha cusub, una sheegey in dalka uu marxalad adag ku sugan yahay, loona baahanyahay in laga saaro marxaladan.Waxaa kale oo uu Madaxweynuhu sheegay in ay waxa ugu muhiimsan waqtigan Dalka Soomaaliya ay tahay xoojinta ciidamada Qalabka sida iyo horumarinta nabadgelyada.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa dhawaan xil-ka-qaadis ku sameeyay Taliyayaasha Ciidamada Dowladda Soomaaliya, waxayna taliyayaasha maanta la dhaariyay noqonayaan kuwii ugu horreeyay oo uu buuxinaya xilalkii banaanaa ee Taliyayaasha Amniga Dowladda Soomaaliya.

Malik Abdalla

Agaasimaha Warfaafinta

Xafiiska Madaxweynaha

mabdalla@presidency.gov.so

Muqdisho, Soomaaliya

Leave a comment

Filed under NEWS

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s