Madaafiic dhimasho iyo dhaawac geysatay oo ku dhacday S. Bakaaraha

Madaafiic geystaya qasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac ayaa maanta barqadii waxa lagu garaacay gudaha Suuqa Bakaaraha ee Magaalada Muqdisho xili halkaasi uu ka socday ganacsi yar.

Sedax qof oo rayid ah oo mid ka mid ah uu ahaa Shaqaale ka shaqeynayay shirkad isgaarsiineed ayaa ku dhintay 13 kalana waa ay ku dhaawacmeen madaafiic maanta ku dhacday gudaha Suuqa Bakaaraha ee Magaalada Muqdisho

Madaafiicda oo sida la sheegay ka dhaceysay Fariisimaha ciidamada AMISOM ay ku leeyihiin Magaalada Muqdisho ayaa waxa ay ku dhacayeen wadada koowaad iyo mid labaad ee Suuqa Bakaaraha halkaasi oo uu ka jiray ganacsi aan sidaasi u buurneyn.

Xiliga madaafiicdu ay dhaceysay ayaa waxaan jirin wax dagaal ah oo ka socday Magaalada inteeda kale marka laga reebo rasaas teel teel ah oo degmada Hodon ay isku weydaarsanayeen ciidamada dowladda oo garab ka helaya AMISOM iyo xarakada Al Shabaab.

Markii madaafiicdu ay ku bilaabatay gudaha Suuqa ayaa durba dadkii yaraa ee ku sugnaa Suuqa waxa ay bilaabeen in ay isaga cararaan Suuqa si aysan waxyeelo u soo gaarin, waxaana xirmay goobihii yaraa ee ganacsigii ka jiray Suuqa.

Leave a comment

Filed under NEWS

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s