Taliyeyaal cusub oo loo magacaabay ciidamada Milateriga iyo Booliiska Dowladda KMG ah ee Soomaaliya

Shir ay golaha wasiirrada DKMG ah maanta ku yeesheen Muqdisho ayaa lagu magacaabay taliyeyaasha ciidamada milateriga iyo booliiska Soomaaliya, iyadoo shirka looga hadlay maamul goboleedyada kusoo badanaya dalka.

Wasiirka arrimaha gudaha iyo ammaanka Qaranka C/shakuur Sheekh Xasan Faarax oo saxaafadda la hadlay markii lasoo gabgabeeyay kulanii lagu magacaabay labada taliye ayaa sheegay in taliyaha milateriga loo magacaabay Jen. C/qaadir Sheekh Cali Diini sidoo kalena taliyaha booliiska loo magacaabay Jen. Shariif Sheekhunaa Maye.

Mudane C/shakuur wuxuu sheegay in gadaal laga magacaabi doono taliyeyaasha ciidanka asluubta iyo taliyaha ciidanka nabadsugidda Soomaaliya, iyadoo goobjoog ay ka ahaayeen magacaabidaan taliyeyaashii xilalkaas sida KMG ah u hayay.

Wasiirka dastuurka iyo arrimaha federaalka Maxamuud Maxamed Boonow oo isaguna shir jaraa’id qabtay ayaa sheegay in golaha wasiirada ay isla garteen sida sharcigu uu qabo in maamul goboleed aysan noqon karin wax ka yar laba gobol oo isku biiray marka la eegto tirada gobollada Soomaaliya ee 18-ka ah.

Mudane Boonow wuxuu sheegay in maamul goboleedyada dalka kusoo kordhaya ay u arkeen mid looga gol-leeyahay in Soomaaliya lagu jarjaro deegaa-deegaan, ayna ka digayaan arrintaas, iyadoo hadalkan uu imaanayo xilli ay soo badanayaan maamul goboleedyada looga dhawaaqayo Soomaaliya.

Kulankan golaha wasiirrada ee lagu magacaabay qaar ka mid ah taliyeyaasha ciidanka Qalabka-sida ee dowladda KMG Soomaaliya ayaa imaanaya iyadoo maalin ka hor ay xukuumaddu ku dhawaaqday inay muddo sannad ah ku darsatay xilligii ay shaqeynayso

allcaseyr.net

Leave a comment

Filed under NEWS

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s