Taliska booliska Puntland oo xilka qaadis sameeyey

Taliska Booliska Maamul goboleedka Puntland ayaa xil ka qaadis ku sameeyay Taliyihii ciidamada booliska ee Maamulkaasi.

Kadib wareegto maanta kasoo baxday taliska sare ee Ciidamada booliska Maamulka Puntland ayaa waxaa xilkii looga qaaday taliyaha ciidamada booliska ee Maamulka Puntland Gaashaanle dhexe Aadan Nuur Qaal kadib markii wareegtada lagu sheegay in loo baahanyahay in wax laga qabto amaanka Woqooyiga magaalada Gaalkacyo ee Xarunta gobolka Mudug.
Sidoo kale wareegtada maanta ayaa waxaa lagu magacaabay Taliyaha cusub Gaashaanle dhexe C/rashiid Caday hase ahaatee Taliyaha cusub ee ciidamada booliska Maamulka Puntland oo saxaafadda kula hadlayay Xarunta taliska qeybta booliska ee gobolka Mudug ayaa waxaa uu sheegay in uu wax ka qabanayo falalka amaan dari ee kusoo kordhay Woqooyiga magaalada Gaalkacyo, wuxuuna ugu baaqay saraakiisha iyo laamaha amaanka inay la shaqeeyaan.

Xilka ka qaadista maanta ay sameeyeen taliska sare  ciidamada booliska ee Maamulka Puntland ayaa kusoo aadaya  xili magaalada Gaalkacyo ay joogaan saraakiil sar sare oo ka tirsan Ciidamada Maamulka Puntlnad kuwaasi oo loo diray inay wax ka qabtaan amni darida ka jirta Woqooyiga magaalada Gaalkacyo ee Xarunta gobolka Mudug.

Leave a comment

Filed under NEWS

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s