Madaxweyne Sheekh Shariif oo digniin jeediyay

Madaxweynaha dowladda KMG Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa digniin u jeediyay shaqsiyaad uu sheegay inay ka been abuurteen dowladda KMG Soomaaliya, isagoo dhinaca kale ka hadlay abaaraha baahsan ee ka jira dalka.

Sheekh Shariif Sheekh Axmed Madaxweynaha dowladda KMG Soomaaliya ayaa digniin u jeediyay shaqsiyaad uu sheegay in maalmihii u dambeeyay ay warqado beenabuur ah ay baahiyfinayeen taasi oo ku aadaneyd in Madaxweynuhu uu kala diray barlamanka, isagoo tilmaamay in cidii lagu qabtaa falalkaasi ay talaabo cad ka qaadi doonto dowladda KMG Soomaaliya.

Madaxweynaha dowladda Soomaaliya ayaa maanta shir jaraa’id uu ku qabtay magaalada Muqdisho waxaa uu ugu hadlay xaaladaha abareed ee ka jira dalka Soomaaliya, waxaana uu ugu baaqay dadka wax haysta iyo Hay’adaha gar gaarka inay u istaagaan sidii loo caabin lahaa dadka ay abaaruhu saameeyeen.

Ugu dambeyn Madaxweyne Sheekh Shariif  waxaa uu u mahadceliyay dadkii ka qeyb qaatay sii deysmada lamanayaashii u dhashay dalka Ingiriiska oo ay in muddo ah gacanta ku hayeen kooxaha burcad badeeda Soomaalida, isagoo qaar kamid ah dadkaasi gudoonsiiyay shahaado saraf ay ku mutaysteen sidii wacneyd oo ay kaga qeyb qaateen sii daysmada Lamaanayashaasi.

Leave a comment

Filed under NEWS

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s