Wasaaradda Warfaafinta Dowladda Soomaaliya oo faahfaahin ka bixisay xarigga weriyeyaasha Radio Shabelle

War-saxaafadeed maanta kasoo baxay wasaaradda warfaafinta, boostada iyo isgaarsiinta DKMG ah ayaa lagu sheegay in agaasimaha iyo madaxa wararka Idaacadda Shabelle Axaddii shalay ahayd xabsiga loo taxaabay kaddib markii Idaacaddu baahisay war xaqiiqda ka fog, isla markaana khatar ku ahaa ammaanka Qaranka.

Wasaaradda Warfaafinta, Boostada & Isgaarsiinta ayaa warka kaddib weydiisatay Shabelle inay warkaas raalli-gelin ka bixiso maadaama uu ahaa mid aan xaqiiqda ku dhisneyn, isla markaana caawinaya Al-shabaab, taasoo Shabelle ay diidday. Intaas kaddib, wasaaraddu waxay si rasmi ah u weydiisatay Shabelle inay la kulmaan madaxda Wasaaradda si arrinta looga xaajoodo. Markii ay Shabelle diidday inay la shaqeyso Wasaaradda, waxaa arrinta loo gudbiyay hay’adaha ammaanka.

Wasaaraddu waxay xaqiijineysaa in xukuumaddu ku dadaaleyso in arrintan lagu xalliyo qaabka uu sharcigu qabo. Xukuumaddu waxay xaq u leedahay inay ka gilgilato warar aan xaqiiqo ahayn oo ay warbaahintu tebiso, sida qof kastaba uu xaq ugu leeyahay.

Ma aha arrin ku wanaagsan xirfadda saxaafadda in la tebiyo warar xasaasi ah oo aan xaqiiqda ku dhisneyn. Iyadoo xukuumadda Soomaaliya aad u tixgelineyso xorriyadda saxaafadda, waxaan haddana kula talineynaa saxafiyiinta inay taxadar muujiyaan marka ay warbixinnada diyaarinayaan.

Wariyeyaasha Idaacadda Shabelle oo maalintii labaad gacanta ugu jira ciidamada nabad-sugidda dowladda Soomaaliya ayaa waxay kala yihiin agaasimihii Idaacadda C/rashiid Cumar Qase iyo Madaxii Wararka Cabdi Maxamed Ismaaciil (Cabdi Cuud), ma jirto weli wax maxkamad ah oo la horgeeyay.

Idaacadda Shabelle ayaa ka mid ah idaacadaha madaxabanaan ee ka howlgala Magaalada Muqdisho, iyadoo idaacaddu ay haanta ku shaqeyso goobaha ay dowladdu maamusho, kaddib markii ay sannadkii hore kasoo guurtay Suuqa Bakaaraha oo ay ku awood ku leedahay Xarrkatul Shabaab oo dagaal kula jirta Dowladda KMG ah.

Leave a comment

Filed under NEWS

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s