Barlamanka KMG Soomaaliya oo kulan Muqdisho ku yeeshay

Kulankaani Maanta mudanayaasha Barlamanka KMG ay ku yeesheen xarunta golaha shacabka ee Magaalada Muqdisho oo ahaa mid warbixino looga dhageysanayay gudoomiyaha Barlamanka Shariif Xasan Sheekh Aadan iyo xildhibaano shirar uga qeyb galay dalka Kenya ayaa waxaa ka soo qeyb galay  ilaa 305 mudane oo ka tirsan Barlamanka Soomaaliya.

Ugu horeyn ayaa kulanka waxaa furay gudoomiyaha Barlamanka Soomaaliya Shariif xasan Sheekh Aadan, isagoo sheegay in ay guul ku soo dhamaadeen shirarkii uu uga qeyb galay Soomaaliya ee ka dhacay wadamada dibadiisa gaar ahaan Shirkii ka dhacay magaalada Accra ee xarunta dalka Gana.

Xildhibaan Burci Max’ed Xamza oo ka mid ahaa xildhibaanada la socday gudoomiyaha Barlamanka oo xildhibaanada ka horhadlayay ayaa waxa uu sheegay in loo soo jeediyay barlamanka Soomaaliya in uu la tashiyo la sameeyo maamul goboleedyada, haweenka, ganacsatada iyo Soomaalida qurba joogta ah iyo sidoo kale in la kordhiyo kuraasta haweenku ay ku leeyihiin Barlamanka.

Sidoo kale waxaa isna warbixin laga dhageystay gudoomiye ku xigeenka labaad ee Barlamanka Soomaaliya, Axmed Dhimbil Rooble (Casoowe) oo hogaaminayay xildhibaano dhowr ah shirar aqoon korarsi ah uga qeyb galay Magaalada Nairobi ee dalka Kenya ayaa fadhiga Barlamanka ka sheegay in xildhibaanadii ka qeyb galay shirkaasi ay ka faa’iideysteen aqoon ku saabsan howlaha Barlamanka.

Ugu dambeyntii waxa jawi heer saro ku soo gaba gaboobay kulankii maanta ay yeesheen mudanayaasha Barlamanka iyadoo gudoonka uu sheegay in labada maalimood ee soo socotana ay sii socon doonaan kulamada Barlamanka.

Leave a comment

Filed under NEWS

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s