DHAMBAAL Ku: Aqoonyahanka Soomaaliyeed Qaybta 4aad

Markii sanadkii 1990kii dagaalka sokeeye uu gebi ahaan ka holcay dalkeena, ayna dawladdii dhexe sidaas ku duntay; waxaan ahaa dibolomaasi madax ka ah Safaaradda Soomaaliya ee Tehraan, Iran. Marka aan tago casuumadaha iyo xafladaha oo sida badan lagu martiqaado, ayna isku arkaan dibolomaasiyiinta dalka ku sugan; waxaan aad uga naxi jiray in la i weyddiiyo, ‘xaaladda Soomaaliya ka waran!’. Waxaa aad iigu adkaa in aan cabbiro oo dadka ku qanciyo, waxa khilaafkeenu ku salaysan yahay. Maxaa yeelay, waxaa lagu weyddiinayaa inta qoomiyadood oo aad ka kooban tihiin; caqiidada ama diimaha ay dadku kala haystaan, iyo dhaqannada dadka isku xira, dhanka kalana xayndaabka u kala ah. Marka aan iraahdo, Soomaalidu waa isku isir, isku af, isku dhaqan, waana wada muslim sunni ah; waxaa iyada oo lala yaaban yahay jawaabta iyo xaaladda dalka ka jirta sida ay u kala fog yihiin; la i sii weyddiin jiray oo haddii aad sidaas tihiin, maxaa la isu laynayaa!! Run ahaantii waa su’aal ay adag tahay, in Soomaalidu ay jawaab waafihi ah oo xaqiiq ku qotonta  ay u hesho. Maxaa yeelay, markii ay dawladdii dhexe jirtay, dagaalada dalka ka jiray oo waxyaabo kala duwan ku kala salaysnaa, waxaa lagu fasiri jiray in ay yihiin kuwo u dhaxeeya Dawladda iyo mucaaradka ka soo horjeeda. Arrintani waxay aakhirkii i gaarsiisay in aan sidii ninka Masriga ah ee aan kor ku soo tibaaxay aan ka maagto ama ka gaabsado tegitaanka xafladaha munaasabadaha kala duwan ee la igu casuumi jiray.
Dalweynaha Soomaalida waxaa guymaysigii uu u qaybiyay shan meelood. Halgan adag kaddib, waxaa maanta xor ah saddex qaybood oo laba ay ku midowday Jamhuuriyadda Soomaaliya iyo Jamhuuriyadda Jabuuti oo markii ay gumaysiga Faransiiska ka xorawday goosatay in dawlad gaar ah ay noqoto; sidaasna ku ah dal ka mid ah Qaramada Midoobay. Markii dawladdii qaranka la dumiyay, uuna dalkeenu noqday duunyo cidla ku dibooday oo aan wax deyr ahi ka xigin weerka aan ka daalayn dilkeeda ilaa uu ka dabarjaro; waxaa dibedda la inooga keenay qorshe ay wadeen kuwo aan isku diir nahay, balse damiir ahaan aan nala dad ahayn. Inaga oo aan dersin oo aan isu miisaamin waxtarkiisa iyo wax-dhimaalkiisa; in uu nagu habboon yahay iyo in uu na hodayo, ayaan durba u heesnay oo sidaan u hirgelin lahayn ku dhaqaaqnay. Waxaa la bilaabay in loo kala dheereeyo ku dhawaaqidda dawlado magacyo kala duwan leh, balse ka mideysan hal muuqaal oo ah in ay qabyaalad ku wada qotomaan oo is-qaraabaysi jilibyo ay ku wada jaan-go’an yihiin; isla markaana ay intooda badani wataan summadda ‘land’. Waxaa arrintani ay dhashay garti qarniga oo muddo labaatan sano ka badan go’i la’. Markii Dawladdii dhexe la dumiyay, waxaa isla markiiba Jabhaddii SNM ay ku dhawaaqday, in gobollada Waqooyi ay ka go’een dalka intiisa kale oo ay noqdeen Jamhuuriyadda Somaliland. Waqti kaddib waxaa la sameeyay Dawlad-goboleedka Puntland. Arrintan Somaliland  aad ayay uga carootay, waxayna ku eed-sheegatay in ay tahay mid iyada lagu xumaynayo oo lagu carqaladaynayo gooni-iu-taageeda. Iyada oo kala eed-sheegadka Somaliland iyo Puntiland uu taagan yahay; ayaa waxaa la sameeyay Dawlad-goboleedka Galmudug oo ay magaalo-madax u tahay qayb ka mid ah Gaalkacyo. Waxaa isla markiiba ay Puntland la soo booday oo ay ku eed-sheegatay; in Galmudug iyada dawladnimadeeda lagu macna-tirayo. Waxaa dacwadii Puntland ay dabaysha raacday markii Ximan iyo Xeeb la sameeyay oo ay Galmudug ku eed-sheegatay in iyada lagu duminayo, ayna u aragto daandaansi iyo dagaal lagu soo qaaday.
Iyada oo si weyn loola anfariirsan yahay sida arrintu ku socoto, lana garan la’ yahay, wax gartaan iska garab-dhalanaysa lagu gooyo; ayaa markii hore hal hal beyba u dhalanayeene, waxaa hal mar soo hormo-go’ay oo lagu wada dhawaaqay dawlad-goboleedyada Hiiraanland, Dooxada Shabeelle, Hiiraan iyo Bartamaha, Bartamaha Soomaaliya, Galgaduud State, Waax-weyn iyo Waadi, UDUBLAND, iyo Raas-Casayr. Dhanka kale, waxaa gobollada Jubbooyinka ka jira hammi iyo hadal-hayn dhismo dawlad-goboleedyo guntiga lagu kala wato oo lagu kala magacaabayo Maamul-Gobolleedka Koofur-galbeed, Soomaaliya, Jubbaland,  Hinterland, Jubba Raas State, iyo kuwo kale.
Jabhadaha iyo Kooxdii Bayaanka ee dagaalka sokeeye dalka ka huriyay, waxaa lagu wada sameeyay dalka dibeddiisa. Sidoo kale, dawladaha magacyada kala duwan leh ee aan kor ku soo tibaaxay, waxaa fikradoodu ka wada timid oo wada keenay qurbajoogga Soomaalida. Waxaa dawladahaas madax ka wada noqday, welina madaxtinimadooda sheeganaya ama isku haysta xubno ka mid ah qurbajoogga Soomaalida.
Inta aynaan kala dhaqaaqin oo aanan qalinka dhigin, aan ku weyddiiyo su’aal jawaabteedu ‘haa ama maya’ tahay; Ma qiyaasi kartaa muuqaalka Soomaaliya ee mustaqbalka, haddii ay sidaan ku sii socoto?
Ilaa iyo qalinkayga dambe, nabadgelyo.

Cabdi Shire Warsame

cirfe_50@hotmail.com

1 Comment

Filed under MAQAALO

One response to “DHAMBAAL Ku: Aqoonyahanka Soomaaliyeed Qaybta 4aad

  1. Pingback: DHAMBAAL Ku: Aqoonyahanka Soomaaliyeed Qaybta 3aad | Www.Allcaseyr.Net

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s