Wasaarada gaashaandhiga DKMG oo digniin u jeedisay ciidanka Dowladda

Wasaarada gaashaandhiga dowladda KMG Soomaaliya ayaa digniin u jeedisay ciidamada dowladda KMG Soomaaliya iyadoo dhinaca kale ugu baaqday in ay hubka kala fogaadaan dadka shacabka ah.

Wasiirka gaashaandhiga Xukuumada KMG Soomaaliya C/xakiin Xaaji Max’uud Fiqi oo maanta sida uu sheegay kormeer ku tagay xarunta Jasiira oo ay ku suganyihiin ciidamo ka tirsan dowladda KMG ayaa waxa uu ciidamada dowladda uga digay in ay dhibaateeyaan dadka shacabka ah ee ku nool magaalada Muqdisho, isagoo shaaca ka qaaday in looga baahanyahay ciidamada in ay dadka wax u qabtaan oo aysan dhibaateyn.

C/xakiin Xaaji Max’uud Fiqi waxa uu ugu baaqay ciidamada dowladda ee hubka ku dhex sita wadooyinka Magaalada Muqdisho in ay tagaan furumaha dagaalka oo aysan hub ku dhex qaadan degmooyinka ay dowladu gacanta ku heyso.

Ra’iisul wasaare ku xigeenka waxa uu sidoo kale ugu baaqay ciidamado in ay sii wadaan dagaalada dowladdu ay kula jirto xarakada Al Shabaab.

Baaqaani ka soo baxay wasiirka gaashaandhiga ee ku aadan in ciidamada dowladdu dadka aysan dhibaateyn ayaa ku soo beegamaya xili  dowladda oo dagaal ku jirta ciidamadeeda lagu eedeeyo in dhibaatooyin kala duwan ay u geystaan dadka shacabka ah.

Leave a comment

Filed under NEWS

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s