Shirki Baargaal Iyo dareenka Shacabka Reer Raascasayr

Shirwaynihi Baargaal ee Beelaha Siwaaqroon kaga tashanayeen ayaaha deegaanada Gobolka Raascasayr iyo Dagmada Laasasurad ee gobolka Sanaag ayaa ahaa mid ay aad u soo dhoweeyeen shacabka ku dhaqan Gobolka Raascasayr .

Deegaanada Gobolka Raascasayr ayaa ah deegaano Balaaran khayraad fara badane leh Balse waxaan ka jirin wax maamul in kastoo hada la wado dhisida Maamulka Gobolka iyo dagmooyinkaba .

Shirki Baargaal ayaa waxay ka soo saareen Ergooyinki halkaas isugu tagay oo ka koobnaa qaybaha kala duwan ee bulshada sida , Isimo , Siyaasiyiin , Aqoonyahano , Ganacsato , Culimaa,udiin , Ururada rayidka ah sida ku haweenka iyo kuwa dhalinyarada waxaana ka soo baxay go,aamo ay soo dhoweeyeen shacabka ku dhaqan guud ahaan gobolka Raascasayr .

Shacabka gobolka Raascasayr ayaa waxay aad u dhaliilaan Maamulka PL oo ay ku tilmamaan mid aan waxba ka ogayn deegaanadaas isbadal kastana waa ay soo dhowaynayaan shacabka gobolka Raascasayr .

Sababta oo ah waxaa ku yar ama aan meelaha qaybtood ka jirin adeegyada bulshada sidi Waxbarashada , Caafimaadka ,  iyo dhamaan helida baahiyada adeegyada bulshada , sidoo kale waxaan ka jirin maamul ay horay ugu samays Pl.

Shacabka ayaa waxay badankood is waydiiyaan marka aad afkaartooda dhagaysato danta ugu jirta deegaanadaan ku jirida PL madaama aysan waxba ku haysan shacabkaasu .

Waxaay shacabka Gobolka Raascasayr oo dhoweeyeen waftigi qurba joogta ee ka  qayb gaalaayay shirki Baargaal ee beelaha Siwaaqroon waxaadna ka dareemi kartaa sida shacabka Reer casayreed u doonayaan isbadal dhankasta ah sida ay u soo dhoweeyeen shirarki ka kala dhacay Baargaal iyo Midki ka horeeyay ee ka dhacay wadanka Sweden.

Shriki Baargaal waxaa lagu sameeyay  Gudiyo Badan oo qaabilsan horumarinta Gobolka Raascasayr Iyo dagmada Laasasurad waxayna shaqooyin ka bilaben isla magaaladi uu shirku ka socday waa Baargaale waxayna ka fulinayaa hawlo horumarineed dhamaan deegaadaas aan kor ku soo xusay .

Allcaseyr .net

Roma

Leave a comment

Filed under MAQAALO

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s