Shabaab oo Baydhabo ku qab qabtay dad ka ganacsanaya qaadka

Howlgalo lagu xir xiray ganacsato iibisa qaadka ayaa ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al Shabaab maanta waxaa ay ka sameeyeen Magaalada Baydhabo ee Xarunta gobolka Bay.

Sida ay ku waramayaan wararka naga soo gaaraya Magaalada Baydhabo ee Xarunta gobolak Bay, ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al Shabaab ayaa howlgalo dad lagu soo qab qabtay waxa ay ka sameeyeen xaafado kuyaala Magaalada Baydhabo ee Xarunta gobolka Bay.

Dadka lagu soo qab qabtay howlgalada ayaa la sheegay in ay u badnaayeen ganacsato iibineysay qaadka kuwaasi oo la sheegay in qaadka ay ku gadayeen xaafado horay al Shabaab ay uga mamnuuceen.

Ciidamada Al Shabaab ayaa dadka ay howlgalka ku qab qabteen waxa ay gaarayeen 7 qof waxaana markii dambe ay dib u sii daayeen labo ka mid ah halka 5-tii kalana lagu xiray xabsi Al Shabaab ay ku leeyihiin magaaladaasi Baydhabo.

Majiro wax war ah oo ka soo baxay saraakiisha Xarakada Al Shabaab ee Magaalada Baydhabo oo ku aadan xariga maanta ciidamada Al Shabaab ay u geysteen ganacsatadaasi qaadka ku iibineysay degmadaasi.

Leave a comment

Filed under NEWS

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s