Odayaasha gobolka Gedo oo cambeeray dilal ay geysteen Ahlu Sunna

Odayaal iyo waxgarad ka soo jeeda degmada Balad Xaawo ee gobolak Gedo ayaa cambaareeyay dilal qorsheysan oo ay sheegeen in  ciidamo ka tirsan Ahlu Sunna Waljamaaca ay u geysteen deegaano ka tirsan gobolka Gedo.

Odayaashaani iyo waxgaradkaani ka soo jeeda degmada Balad Xaawo ee gobolka Gedo oo Shabelle la soo xariiray islamarkaana diiday in magacyadooda la adeegsado ayaa cabasho ka muujiyay dilal maalmihii u dambeeyay ka soo cusboonaaday degmada Balad Xaawo.

Waxa ay sheegeen odayaashaani in ciidamada Ahlu Sunna ee gacanta ku haya degmada Balad Xaawo ay bilaabeen dilal qorsheysan oo ay u geysanayaan dadka shacabka ah uu kusugan degmadaasi, iyagoo sidoo kale sheegay in siyaabo kala duwan saacadihii la soo dhaafay degmadaasi loogu dilay labo ruux oo mid ka mid ah uu 14 jir ahaa.

Odayaasha ayaa sheegay in loo baahanyahay in si deg deg ah wax looga qabto falalkaasi ay geysanayaan ciidamada Culumaa’udiinka ahlu Sunna Waljamaaca maadaama sida ay sheegeen intii halkaasi ay maamulayeen Al Shabaab aysan ka dhici jirin dilalkaasi.

Horay ayaa saraakiisha ciidamada dowladda iyo kuwa Ahlu Sunna Waljamaaca waxaa ay wacad ugu mareen in ay beegsan doonaan cida ay u arkaan in ay xariir dhow la leeyihiin xarakada Mujaahdiiinta Al Shabaab.

Leave a comment

Filed under NEWS

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s