Maqaal: Hadal heynta Heesaha Gaarsiiya iyo Garaadlaay

Qiimaha fanka Soomaaliga ayaa waxa uu kamid yahay dhidibada amaba aasaaska luuqadeena hodanka ah ee afka Soomaaliga ee looga hadlo geeska Afrika taasi oo lagu tilmaamo luuqadii fanka iyo fanaanka amaba luuqadii maansada iyo gabayada abwaanka.

Waxaa waayadan boggaga isku xirka bulshada sida Facebook, Twitterka, Youtube iyo sidoo kale qaar kamida mareegaha dhinaca internetka Soomaalida ku soo badanayay hadal heynta labo hees oo ay ku kala luuqeeyaan Ikraan Caraalle iyo Falis Cabdi, waxaana labada heesood mirahooda kala tiriyay labo abwaan oo qaalli ka dhex ah bulshada Soomaaliyeed kuwaasoo kala ah Saciid Sheekh Abuukar “Ilkajiir” oo sameeyay heesta Gaarsiiya iyo Liibaan Cabdi Warsame “Nasrudiin” oo tiriyay Heesta Garaadlaay.

Hadaba inta la xasuusto taariikhda Soomaaliga waxaa muuqata in waligeed ay soo taxnayd amaba ay soo jirtay loolanka iyo golle ku munaaqashoodka dhinaca fanka  Soomaaliga, taasi oo aad ka garanayso halka uu bulshada Soomaaliyeed kaga jiro fanka iyo sidoo kale ka qeyb qaadashada masiirka nolosha ee fanaanka iyo abwaanka tiriya maansooyinka caan baxa ee aanu ku faanno guud ahaanba nolosha Soomaaliyeed, iyadoo ay jiraan maansooyin iyo gabayo caan baxay tan iyo inta laga garan karo taariikhda Soomaalida.

Gabayada Hallac dheere

Abaarihii qarniyadii 19aad iyo kii 20aad ayay ahaayeen markii ay curteen maansooyinkii ku caan baxay Hallac dheere ee ay ka qeyb qaadteen qaar badan oo kamida suugaan yahanadii taariikhda dahabiga ah ku lahaa fanka Soomaaliga kuwaasi oo kamida taariikhaha lasoo wariyay ee jiil jiil u soo hayaanshay.

Maxay ku biilabatay maanasada Hallac Dheere?

Waxaa la tilmaamaa hallac dheere oo hayb ahaan ahaa nin ogadeen ah inuu ahaa  nin cirkiisu weyn yahay amaba maajatoore ah oo cunto cunkiisu badnaa, kadibna wakhti noloshiisa kamida ayaa dhacday in macalinku u soo martiyay Cali Sharmaarke waa Madaxweyne Cabdirashiid Cali Sharmaarke aabihii amaba Ra’isul wasaare Cumar Cabdirashiid Awoowgiis.

Cali Sharmaarke  waxa uu ahaa nin hodan ah amaba maal qabeen ah oo xoollo badan lahaa kadibna waxay taariikhyahanadu xaqiijiyeen in Hallac Dheere oo Cir weyni lagu ogaa uu usoo martiyay Cali Sharmaarke, kadibna loo loogay amaba si wanaagsan loogu kariyay neef geella oo macalinku ku baxay amaba uusan waxba kasoo reebin, galabtii dambe Hallac dheere oo aanan reerkkuu martida ahaa nabad galyayn amaba aanan sagootinin ayaa isaga tagay reerkii uu marti ahaanta u yaallay oo uu Cali Sharmaarke hor joogaha u haa.

Muddo yar dabadeed xilli casar liiq ah oo uu gabalku sii dumayo ayaa waxaa reerkii usoo muuqday Hallac dheere oo mrkaasina aanan loogu talo galin wax cunto ah amaba aanan neefafkii loo gawrici lahaa la is yiri aleyleh lagama gaaro, waxaana markaasi si aanan la hubin loo xaqiijiyay in odagii Cali Sharmaarke ahaa uu dhibsday odaga Hallac dheere ah ee xiliga xun reerka dib ugu soo noqday iyo iyadoonan loo diyaarin wixii uu caawa nafta ku qaban lahaa amaba uu ku casahayn lahaa.

Si kastaba ha ahaatee nimankii Ogaadeen ee uu Hallac Dheere ka dhashay, isla arkaana maanso wadagnimo ay kala dhaxeysay nimanka Harti ee ay wada dhasheen ayaa waxaa loo geeyay inuu Cali Sharmaarke dhibsaday oo uu Haheey yiri kolkuu arkay Hallac oo u soo martiyay!

Waxaana halkaasi kasoo baxay fursad ay nimankii Absame gabay ugu tiriyeen ninkii Cali Sharmaarke ahaa ee Hallac Dheere uu usoo martiyay, waxayna kusoo ibur fureen gabay dheer oo beydadkii ku jiray ay kamid ahaayeen:

  • Waxaad Cali Sharmaarkoow na tiri waa huf iyo beenne
  • Waxaaad tiri waxbaan heli karaa waadse hibataaye
  • Haheey! Maxaad u tiri Wiil martiya Hilib markaad siisay

Muddo yar dabadeed inta hadalkii lagu dhaliilay Cali Sharmaarke la qaaday ayaa loo geeyay ileen tolku waa isu dhawaa oo kdib wadaag buu ahaaye, waxana dhacday in Cali Sharmaarke oo aad uga xun marti sorkii wanaagsana ee uu Hallac Dheere u saeeyay in laga dhaliilo deetana gabay iyo maanso lagu haaraamo ayaa ka gilgishay kana xumaaday arinkaasi, wayna u muuqan weysay Cali Sharmaarke inuu arintaasi ka aamuso oo uu afkiisa ka xirto, waxa uuna soo qadimay Manso Jawaab iyo Ibo xir uu uga dhigayo fariintii ay soo direen nimankii Ogaadeen ee Maansada soo tiriyay waxa uuna tiriyay Maanso dheer oo ay Beydadkeedu ka mid ahaayeen:

  • Hallac oo hir dheer le’eg hadduu hogob kasoo muuqdo
  • Idinkoo la haybiba waad wada habaadhaane
  • Harti maxaad ku galli eebahay horor hadduu keenay

Waxaa la xaqiijiyay amaba ay taariikhdu warisay in muddo yar dabadeed uu socdaal maab safar dhulkii ogaadeen u aaday abwaan Cali Aadan oo Cali dhuux loo yaqaanay hayb ahaana ay Harti isku ahaayeen Cali Sharmaarke, ma caddeyn sababta uu Cali Dhuux u aaday dhulkii ay Ogaadeenku degganaayeen hase ahaatee waxaa la tilmaamaa inuu gabar doon ahaa, maba uu safar ku bixiyay reer xidikiis.

Markii Cali Sharmaarke lasoo gaarsiiyay in Cali dhuux carri ogaadeen safar u yahay, ayuu isagoo ka dab qaadanaya suugaantii Absame iyop harti horey u dhex martay waxa uu tiriyay Maanso kamid noqotay gabayadii Hallac dheere oo uu kulla dardamarmayay Cali Dhuux Aadan inaanan laga helin iin loogu gabyo isla markaana fursad u noqota Ogaadeen isla markaana lagu dhaliilo harti Maansadaas oo dheerayd ayaa waxaa miraheeda ku jirey:

  • Calliyoow hagaagtaye hadaad hillinta sii qaaddo
  • Ogaadeen hardoodiyo, hadaad Harrodigeed Gaadho
  • Haddii lagu hor kaco oo ardaa heellan lagu geeyo
  • Hallow Caanaheed iyo hadii Hillib laguu keeno
  • Hab wanaagsan yeel soorta waa laga hanbeeyaaye
  • Ama hallac ku dayo, waa wixii hoday Ogaadeene

Si kastaba ha ahaatee wakhti iyo waayaha ayaa halkaasi nala aaday oo sabab ka dhigay inaanu soo haabano taariikhihii hore ee ummadda Soomaaliyeed ee dhinaca Fanka iyo Fanaanka amaba abwaanka si aanu u muujino in waligeed uu soo jirey loolanka iyo ku xifaaltanka dhinaca suugaanta iyadoo hadba lagu cabirayo wakhti la joogo iyo waayaha hadba la cuskan yahay ee noloshu ay ku sargo’an tahay.

Kaliya maaheyn Maansooyinkii Hallac Dheere kuwa ku caanbaxay wakhtiga iyo waayaha ee sidoo kale iyana waxaa jiray Maansooyin farabadan oo lagu xifaaltamay oo uu wakhti na baray sida Maansadii Guba ee ay ka qeyb qaadteen dhawr iyo tobanka Abwaan ee uu bilaabay Cali Dhuux Aadan uuna soo xiray Maxamed Cumar Dage oo la tilmaamo inuu dhashay markay Maansadu ku ibo furatay Gabaykii Cartan ee uu Cali Dhuux ku kala hadlay Hashiisii Cartan ee uu biyaha uga waayay ceelkii Camuud oo ku yaalla dhulka loo yaqaano Doollo.

Waxaa sidoo kale jirey Maasadii Siinleey ee la tiriyay wakhtigii dawladii Maxamed Syaad barre AUN ay jirtay oo ay sida xoogga ah uga qeyb qaadten abwaaniin dhawr ah oo ay shucladda u sideen Cabdiqeys Xayd iyo Abwaan Hadraawi, iyadoo sidoo kalana ay jirtay Maansadii Deelley oo ay iyaduna ka qeyb qaadteen abwaaniin badan oo ka kala tirsan qabaa’ilka ay ummadda Soomaaliyeed u kala baxdo.

Heesaha la isaga Jawaabo iyo Fanka Soomaalida

Maahan wax ku cusb saaxada fanka Soomaalida in la isga jawaabo heeso markaasi loo arko iney isu yihiin jawaabo amaba laga tiriyay fikrado iska soo horjeeeda amaba si uun isku diidan.

Sanadkii 2009 iyo 2010 waxaa soo shacbaxay hees ay tirisay Fanaanadda Saado Cali Warsame oo ay kga jawaabaysay hees loo arkay iney hees hore jawaab siinaysay oo uu tiriyay Fanaanka lagu magacaabo Cabdi Nuur Allaale ee reer Jabuuti kaasi oo uu hees uu tiriyay ay iyana Jawaab u noqotay hees ay horey u tirisay fanaanada la jecel yahay ee Binti Cumar Gacal, Saado Cali oo markaasi u jawaabaysay Cabdi Nuur Allaale ayaa miraha ay tirisay waxa kamid ahaa

  • Gartaadii waxay bashiishay waxey bulshadii layaabtay
  • Sal iyo baar waxaan? laheynoo Bad iyo Ceel kaaga dhacay
  • Baxsanoow C/Nuur Alaalow waxaad baratood taqaanay
  • Haddey baaskaa ahaatay bariiqatay xaajadaadu
  • Adaa dembigaa bilaabay maxaad u badbaadin weyday
  • Habloo badan baa jireene hadii boowe aadan baran
  • Sideed uga bogan kartaa?
  • Haddey bixisadu ku qaaday hablihi buufis kaaga dhacay
  • Dhamaan baadi kula noqdeen inaad sharaftooda buriso
  • banaanada kula wareegt,  bilaahi ma xaal gobeedbaa?

Heestan ay tirisay Fanaanadda Saado Cali Warsame ee ay ugu jawaabeysay Cabdinaar Alaalle waxay muujinaysaa iney sii toosa ugu jawaabeyso Fanaanka waxaana taasi lagu daliishan karaa in magiciisa lagu soo daray heesta gudaheeda oo ay fanaanadu leedahay

BAXSANOON CABDINUUR ALAALOW, WAXAAD BARATOOD TAQAANAY!

Haddaba hadii aan u daadago dulucda iyo ula jeedada maqaalkani amaba aan iftiimiyo wax aan uga gol lahaa waxay tahay inaan maalmahanba arkayay in labo hees oo kusoo kordhay saaxafada amaba fagaaraha fanka Soomaaliga loo turjumay si khaldan isla markaana la isku dayay in meel looga dhaco laba gabdhood oo ku qaaliya dhalinyada fanka cusub oo kala ah Ikraan Caraale iyo Falis Cabdi, kuwaasi oo labdoodaba lagu kala sifeeyay iney arimo jira oo jaceyl iyo masayr kala barkisan ay wax ka tiriyeen!

Heesta Gaarsiiya ee Ikraan Maxaa lagu sifeeyay?

Heesta Ikraan Caraale ay ku luuqeyso ee Gaarsiiya, waxaa lagu sifeeyay iney tahay hees jaceyla oo xambaarsan dhamaabl ahibiya oo ay u direyso Fanaanka iyo abwaanka da’da yar ee Shiine Akhyaar taasi oo inta aan anigu ka ogahay ah masib iyo hadalo aanan loo meel dayin isla markaana meel ka dhac ku ah Ikraan Caraalle iyo waliba Shiine akhyaar oo labaduba ah labo qof oo ku weyn fnka sharafta iyo qiimaha leh ee ummadda Soomaaliyeed.

Waxay ahaayeen miraha heesta Gaarsiiya ee Ikraan Caraale ay ku luuqeyso isla markaana uu miraheeda leeyahay abwaan Cabdikariin ilko jiir.

  • Ma ogtahay sidii baan Geesigaan jeclaan
  • Inuu Guulle igu simo gacmo kor u hayaa
  • Ma ogtahay sidii baan goor iyo Ayaan
  • Guriga uu ku nool yahay Naftu gacan salaamaaye
  • Bal inuu garwaqsado sidii Caashaq ii galay
  • Gasiinkiina iga jaray uga go’ay hurdadaa
  • Ha gudoonsadee,Geesigaan Jeclaa Gaarsiiya Idinkuna .
  • Ma ogtahay Sidiibaan Gacalkaan jeclaa
  • Guclo oradka raacdada aan u goobayaa
  • Ma ogtahay Sidbaan Gurxan iyo? Guhaad
  • Sidii Aar gantaal qaba aan u goohaaa

Heestaasi Gaarsiiya oo fanka Soomaaliga kusoo biirtay dabayaaqadii sanadkii 2010 ayaa noqotay mid si aada looga dab dhaco isla markaana ay dhalinyaradu dhageystaan oo y dhayaan boogaha jaceylka iyo axwaasha ku xeyn daaban ee ku aaddan arimaha jaceylka.

Halkaan ka akhri heesta oo noqotay kuwa loogu dhageysiga badan yahay youtubeka sanadka 2011.

Heesta Garaadlaay ee Falis Cabdi, MaxaaLagu tilmaamay?

Si kastaba ha ahaatee sanadkan aanu ku jirno ayaa iyana waxaa warbaahinta iyo boggaga isku xirka bulshada ee uu Youtubeku ugu horeeyo kusoo duxay hees loogu magac daray GARAADLAAY oo uu miraheeda curiyay saaaxiibkay Abwaanka da’da yar ee la hollin waayay Liibaan Cabdi Warsame taas oo ay qaadeyso Fanaanada dahabiga ah ee Falis Cabdi Maxamuud oo ah hobalada ubaxa iyo iftiinka dhalinta Waayaha Cusub.

Waxay heestasi kamid tahay kuwa aadka loo dhagesyto maalmahani oo meel kasta oo aad tago waa ay ka shidan tahay oo waxay noqotay mid lagu madadaasho, waxay heestu u muuqataa mid miraheeda ay dardaaran iyo waano u noqon karaan heesta Gaarsiiya ee uu miraheeda leeyahay abwaan Ilko Jiir ayna ku luuqeyso Fanaaanadda Ikraan Caraalle, kadibna arintaasi ayaa saab ka dhigtay iney dhalintu badbadiyaan waxyaabaha khuseeya Labadaasi heesood ee kusoo biiray golayaasha lagu dhageysto fanka Soomaaliga.

Waxaa heestan lagu tilmaamay iney jawaabu tahay heesta Gaarsiiy ee ay ku luuqeyso Ikraan Carraalle oo lagu tilmaamayo ineu jaceyl xad dhaafa u hayso Shiine Akhyaar Falisna ay daafacaneyso odageeda oo laga soo hujuumay laakiin u muuqata been iyo waxba kama jiraan lagu faafiyay boggaga afka Soomaaliga lagu qoro, taasna waxaad ku garan kartaa in labada hablood ee Ikraan iyo Falsi aysan labadooduba lahayn miraha heesaha laga curiyay balse ay kala curiyeen labo fanaan oo aan isku dhul iyo car joogin, isla markaana uu san ka dhaxeyn loolan iyo xifaaltan Suugaan oo kala ah Ilka Jiir iyo Liibaan.

Balse arinta sababtay in Heesta Garaadlay loogu qaadto iney Jawaab u tahay heesta Gaarsiiya ee Ikraan Caraalle ayaa waxay tahay in labada heesoodba ay isku qaafiyad yihiin oo ay labadooduba isku xaraf ku aroorayan, iyadoo isdoo kalana ay heesuhu midna tahay calaacal ka xog warameyso jaceyl la baadi goobayo, oo gacmaha kor loogu hayo in guulle uu gabadaha ku simo geesiga ay jeclayd, halka Heesta kale ee Garaadlaay ay iyana u muuqato mid lagula dardaarmayo amaba lagu waaninayo Ikraan Caraalle, waxaana Heesta Garaadlaay miraheeda kamid ahaa:

  • Ma? ogtahay Garaaadlaay, Geed miro ku yaallaan
  • Intuu baxay gun iyo baar, Gurashada diyaar u ah
  • Mar hadaadan gaareyn, Geeraar raqiisiyo
  • Gucle oradka raacdada, waxba kuuma goysee.
  • Gocashada adoon badin, inaad dowga garataa
  • Amay, Amey, kula gudboon tahay!
  • Gacal kaa dal doorsaday, guubaabo iyo Hees
  • Midna laguma gaaree, inta goori goor tahay
  • Daydayo Gayaankaa!
  • Guushiyo Ayaankuba ,Gallad eebo weeyoo
  • Hadaan guullo kuu qorin, si xun laguma goobee
  • Inta labo gayaanoo, guri yeeshay oo laday
  • kala goo isleedahay, guuleysan mayside
  • Guryo noqoshadoodiye, Gacan dhaafka reeraha
  • Godob yeysan, Godob yaanu kugu noqon
  • Gacal kaa dal doorsaday, guubaabo iyo Hees
  • Midna laguma gaaree, inta goori goor tahay
  • Daydayo Gayaankaa!

Waxayna u muuqataa mid khaldan in loo turjumo in labada habolood ee fanaaniinteen ah ay isku haystaan nin oo ay midna gacan togaalaysi u samaynayso nin naag qaba mid masaeyr aawadii ay ku daafacanayso odageeda, taasi oo an anigu u arko xadgudub khaldn oo si qaawan wax loogu dhimyo sharafta iyo qiimaha labada gabdhood ee qaayaha inaga mudan, waayo intaan ka warqabo labada habloodba sharaf iyo wanag ayay naga mudan yihiin mana mudna inaanu ku xadgudubno, waayo waxay u dhigman sida kuwa inaga nala dhashay maba kuwa guryaha noo jooga ee xaasaska inoo ah.

Halkaan ka akhri Fanka Dhalinta Waayaha Cusub

Qiimeynta labada Heesood waxa nooga banaan

Xaqiiqdii haddaan soo kufiyo maqaalkan an ugu talo galay inaan ku iftiimiyo khalad badan oo ku duxay warbaahinta Soomaalida, ee ku saabsan qiimeynta labada heesood e Gaarsiiya iyo Garaadlaay amaba haddaan si kale u dhigo Ikraan Caraalle iyo Falis Cabdi oo ah lbo gabdhood oo Soomaali ah, walaalana ku ah fanka ay labadooduba ku jiraan, taasi oo aanan marnaba suura gal ka dhigeynin iney isku qabsadaan nin, Waayo Abwaan Shiine waa seyga Falis CABDI waana bwaan Soomaaliyeed oo walaalnimana ay kala dhaxeyso Ikraan Caraalle, laakiin hadii aanu qiimeyn haboon rabno waan sameyn karnaa inaan heesaha ka qiimeyno dhinacyada wanaagsan sida:

  1. Inaanu isbarbardhig ku sameyno lbada heesood ee Gaarsiiy iyo Garaadlaay
  2. Inaanu tartansiino labada Abwaan ee miraha kala tiriyay ee Ilka jiir iyo liibaan Cabdi Warsame oo labaduba ah labo abwaan oo heeso badan ku leh fanka Soomaaliga
  3. habka ciyaarta, labiska, shucuurta heesta lagu qaadayo iyo sidoo kale dhamaan waxyaabaha khuseeya heesaha oo anu qiimeyn daacadi ku laran tahay u sameyno.

Ugu dambeyn waxan maqaalakyga kusoo gunaanadayaa inuu horumar iyo hayaan fog oo cilmi ku dhisan ku tilaabsado Fanka Soomaalida isla markaana ay fanaaniinteenu noqdaan kuwa madaadalo aqoon iyo climi la huwiyay ay bulshada u soo bandhigaan, waxana nolol qiime leh iyo qoys guulaysta u rajeynayaa Qoyska Shiine iyo Falis, anigoo baraare iyo farxad alle uga baryaya Ikraan Caraalle, Shiine iyo Fallis Cabdi oo dhamaantood ah dad aan ku jeclahay Fanka Soomaalida.

Qoraalada laga sameeyay labada hees iyo warbaahinta Soomaalida!

Hadhwanaagnews waxa uu qaadtay Cinwaanka Faniinta Ikraan Caraalle iyo Falis Cabdi oo isugu jawaabay Heeso Jaceyla, maxay tahay sirta ka dambeysa?

Ikraan Caraale iyo falis oo Heeso Jaceyla isugu Jawaabay, Xog hoose waxaa qaadtay Bogga Xogta

Bogga Gedonline waxa uu qaadtay Maxaa kala haysta Fanaaniinta Fallis Cabdi iyo Ikraan Caraale Sir+Heeso

Fiiro Gaar ah: Waxaan ka cudur daaranayaa khalad walba oo ka dhici kara maqaalkan, haday noqon lahayd taariikhaha hore iyo kuwa dambe, banii aadamku khalad kama marna.

W/D Cabdiqafaar Axmed Shire

Wixii Fikrad ah iigu soo hagaaji

Abdikafarshire@gmail.com

Nairobi, Kenya

1 Comment

Filed under MAQAALO

One response to “Maqaal: Hadal heynta Heesaha Gaarsiiya iyo Garaadlaay

  1. Dalal cali uk

    Marka waxan salamayaa bulshada soomaaliyeed marka xigta waxaan si gaar ah u salamayaa qoraaga maqaalkan cabdi qafaar oon ooga mahad celinayo sida wanaagsan uuga hadlay mowdhuucan iyo sida uu dhanka wanaagsan wax uga fiiriyay waxaana dhihi karaa waa qorayaasha dhanka wanaagsan markasta wax ka fiiriyo mida kale loo baahna saxaafada waxa aysan ogeyn xaqiiqadooda in ay buun buuniyaan

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s