Iska dhagatirida Faroole Rabitaanka Shacabka Raascasayr Maxay keeni kartaa?

Siyaasiyiinta iyo waxgaradka Deegaanada dagmooyinka Caluula Iyo Baargaal oo haatan ah Gobolka Raascasayr horayna uga tirsanaa gobolka Bari ayaa waxay mudooyin badan usoo bandhigeen Maamuladi kala duwanaa ee soo maray Pl inay deegaanadaas gobol Ugu dhawaaqdo  Pl, Balse waxba kama soo qaadin ragi garwadeenka ka ahaa maamulada haba u badnaato xukuumada uu haatan horjoogaha ka yahay Faroole ee aan dhaafin Garoowe .

Waxa ay oday dhaqameedyada iyo Siyaasiyiinta u dhashay Gobolka Raascasayr oo ah deegaan balaaran ugu tageen Faroole ku dhawaaqida Gobolka Raascawsayr  balse waxa ay ahaadeen codsiyadaasu kuwa uusan Faroole waxba ka soo qaadin .

Qaybo ka mid ah qurba joogta Gobolka Raascasayr ayaa shir ku yeeshay Wadanka Sweden 29-31 /10/2011 waxayna kaga dhawaaqeen in deegaanadaasu yihiin gobol laguna magacaabo Raascasayr  maanta laga bilaabona aysan jiri doonin wax laga sugo Maamulka PL maadaama aysan wadankana ka jirin dawlad dhexe oo u adeegta shacabka .

Waxayna iclaamiyeen in la isugu yimaado shirwayne kana dhaca Magaalada Baargaal waxaana ka soo qayb galay qaybaha kala duwan ee bulshada waxaa yimi sidoo kale Xubno ka socda Maamulka PL oo ay ka mid yihiin Gudoomiye ku xigeenka Golaha baarlamaanka PL MD.Salaad xareed Cali iyo Wasiirka Beeraha iyo waraabka Pl Eng Mohamed Haji Saalah , Isimo, Siyaasiyiin kale oo xilal ka soo qabtay Pl iyo TFG.

Waxaa laga soo saaray go,aamo ah in laga shaqeeyo horumarinta deegaanada Gobolka Raascasayr iyo Dagmada Laasasurad waxaa lagu  soo dhisay gudiyo loo magacaabay arimaha bulshada horumarinteeda gudiyo Siyaasadeed .

Hadaba ka dhaga adaygida codsiga shacabka Gobolka Raascasayr ee Faroole miyaan la is oran karin waxay keeni kartaa in deegaanada gobolka Raascasayr oo ah deegaano Balaaran ay wax garadkeedu soo saaraan kuna dhawaaqaan ka bixida Maamulka   Pl ee aan Mudada Sanadka ku dhoow dhinacna ku dhaafin Garoowe .

Maamulka uu horjoogaha ka hayay Faroole  ma mid aan qiimaynbaa rabitaanka shacabka gobolka Raascasayr oo waxaan oran karaa waa mid xataa haddi ay ka baxaan oo maamul gaara noqdaan aan dan ka lahayn .

Dawlada Pl aya ala oran karaa waa mid si gaara u eegta shacabka ku dhaqan deegaanada Gobolka Raascasayr hadaba aragtidayda waxaan leeyahay  shacabka reer Casayreed waa  inay ka tashadaan Pl ku jirideedana wax dani uguma jirto  waa inay u istaagaan horumarinta deegaanadooda ma ahan inay ka dhawraan Pl wax aysan la rabin ,

Shacabka iyo deegaanada Reer casayreed ayaa ah kuwo isku filan dhan kasta waana deegaan leh khayraad fara badan waa deegaan amnigiisa aan oran karo waa deegaanada ugu nabada Badana soomaaliya waa deegaan shacabkiisu ay yihiin kuwo soo dhoweeya walaalaha kale ee ka yimaada deegaanada Dagaaladu ka jiraan .

Waxaan ku soo gabagabaynayaa Maqaalkaygaan Reer CasayreedawCidi idiin baahan ayaad u baahan tihiin waana mid guud ahaan aduunyadu ku dhisan tahay xukuumadu waa mid rabitaanka shacabkeeda ajiibta ma ahan mid aan waxba ka soo qaadin ee halaga tashado PL .

Shirki Sweden ee qaybo ka mid ah Qurba joogta Gobolka Raascasayr

Ardayda Tuulada Sayn ee gobolka Raasacsayr  oo soo dhoweeyay Shirki Sweden

Shirki Baargaal ee Beelaha Siwaaqroon

Allcaseyr .net

Yaasiin Axmed

Roma

Fikradan waxay gaar u tahay qoraaga

Wixii Fikrad ah iigu soo hagaaji

Dooxajog5@hotmail.com

3 Comments

Filed under MAQAALO, NEWS

3 responses to “Iska dhagatirida Faroole Rabitaanka Shacabka Raascasayr Maxay keeni kartaa?

  1. allcaseyr

    M Xaji Axmed sxb sharcigu ma waxa uu dhigayaa in aan meelna laba tagin oo aan waxba laga qaban meelna la dhiso waa sharcigee kaasu balse ma dambibaa haddi aad ka baxdo heshiiska aad wada gashaan qof sabab ah in uu qofkaasu heshiiski ka baxay oo ka dhigtay mid isaga u adeega oo kaliya adigana aad ku magacaaban tahay aniga aragtidayda waa saxan yahay maqaalkaan qofka qoray sababta oo ah soomaaliya dawlad dhexe kama jirto in qolo kasta ay deegaanadeeda dhisato oo ayaahood aka tashadaana waa waajib saaran iyaga

  2. M haji Ahmed

    salaan ka dib anigu waxan markii hore umalaynayay in shirarkan loo qabanayay wax utarida dadka dega dhulkaa, laakiin hadda waxan arkaa siyaasado laysku bursanayo. su aashu waxay tahay ujeedada runta ah ee ka dambeysa shirarkan maxay tahay? please runta ii sheega.
    ma og tihiin idiinkoon faroole maagin, idinkoo qolada puntland ubadan maagin, idinkood sharciga lagu heshiiyay dhinac marin, idinkoo xamaasad iyo qabiil ku shaqaeyn, idinkoo ixtiraamaya dadka kale oo dalka wax ka dega iyadoo la ilaalinayo qulubta dadka dhamaan dega puntland waayo dadku waa walaalo, ayaa iskoolo, jaamacaso, warshado, dekado la dhisikaraa. hadaad gooni u dudaan sow xaq aad sharciyan ulaheydeen waayi meysaan. dalka faroole maleh qolo gaar ahina ma leh.
    dadka wax ku qora website yada waxaan kula talinyaa labo arimood: please diinta eega, dharciga aduunka siduu u shaqeeynaya eega oo akhriya ogaadana akhiro masuul ayaad ka tihiin waxaad camal falaysaan ama qoreysaan, markaa marwalba positive way ufakara, xumaana yaan laga shaqeyn waayo meel laguma gaaro.

  3. in wax la qabsado waa macno oo hormar la doono ninka qoray maqaalkaan aad ayuu u khaldanyahay ,anigoo ka soo jeeda deeganadaas uu sheegayo qoraagu ayaan waxaan leeyahay puntland waa dhulkii uduga meesha uu ku yaalna waa caseyrland marnaba si loogama bixi karo waayo waa dalkaagiio oo magicii adaa wata gaalkacyo iyo garowada aad sheegeysid waa la mid baargaal iyo caluula ,waxaa kaaga habooneed inaad tiraahdo gobolka ha la hormariyo gobolnimadiisana ha lagu dhawaaqo sida karkaar iyo heylaand loo magacaabay

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s