Xildhibaan Maxamed Qanyare oo sheegay in baarlamaanka hadda jira uusan dooran karin Madaxweyne cusub

Xildhibaan Maxamed Qanyare Afrax ayaa sheegay in xildhibaannada baarlamaanka ee hadda jira aysan dooran karin madaxweyne cusub, marka la raacayo sharciga dalka u dagsan. Mudanaha ayaa hadalkiisa kusoo beegay xilli uu cirka isku sii shareerayo khilaafka dastuuriga ah oo u dhexeeya madaxweyne Sheekh Shariif iyo guddoomiyaha baarlamaanka Shariif Xasan Sheekh Aadan.

“Xildhibaanno cusub ayaa dooran kara madaxweynaha cusub ee dalka, balse kuwii hore ma dooran karaan marka sharciga la fiiriyo, waayo iyaga ayaaba sharciyad u baahan,” ayuu yiri mudane Qanyare oo intaas ku daray in marka la hore la doorto xildhibaanno baarlamaan oo soo doorta guddoon cusub ee baarlamaanka iyo madaxweynaha dalka.

Mudane Qanyare ayaa hadalkan ku sheegay wareysi uu siiyay VOA-da Khamiistii shalay, isagoo tusaale u soo qaatay doorashadii dowladdii TFG-da ee lagu soo dhisay dalka Kneya oo ay doorteen xildhibaanno cusub, iyadoo shirkaas ay abaabuleen xildhibaannadi Carte.

“Anigu waxaan ka hadlayaa sharciga dalka wuxuu qabo ee labada Shariif khilaafkooda kama hadlayo,” ayuu uga jawaabay su’aal ahayd in hadalkiisa uu u muuqdo inuu la safan yahay mid ka mid ah labada mas’uul ee isku haya qodobbada dastuuriga ah.

Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Shariif Xasan ayaa sheegay shalay oo Khamiis ahayd markii uu gaaray Muqdisho sheegay in lagu dooranayo madaxweynaha cusub ay ka dhacayso Muqdisho marka la gaaro bisha Ogoosto ee sannadkan, isagoo xusay in guddi loo saarayo qabanqaabada doorashadaas.

Hadalkan ayaa waxaa jawaab deg-deg ah ka bixiyay madaxweynaha Soomaaliya Sheekh Shariif oo sheegay inuusan sharciga dhigayn in la doorto Madaxweyne cusub iyadoo aan lasoo dhisin baarlamaan cusub, wuxuuna sidoo kale gaashaanka ku dhuftay muddo kororsi uu horay u sameystay baarlamaanka KMG ah ee hadda jira.

Madaxweyne Sheekh Shariif Sheekh Axmed oo lagu soo doortay dalka Jabuuti, ayaa waxaa doortay baarlamaankii TFG oo ahaa 275-xubnood oo lagu biiriyay 275-xubnood oo cusub, waxaana loo doortay inuu xilka hayo muddo laba sano ah oo ku eg bisha Ogoosto ee sannadkan.

Leave a comment

Filed under NEWS

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s