Wax garadka gobolka Raascasayr oo baaq iyo talooyinba ka soo saaray dagaalada ka soconaya magaalada caasimada ah ee Muqdisho

Iyada oo maalinba maalinta ka dambaysa, xaaladda dalka soomaaliya ay sii murgayso, burburka iyo barakaca shacabkuna uu sii badanayo oo wax ka soo rayn ahi aanay muuqan mudo 20 sano gaadhaysa ayaa wax garadka gobolka Raascasayr waxay ka soo saareen dagaalada maalmahan ka soconaya magaalada caasimada ah ee Muqdisho baaq iyo cambaarayn cida ka masuul ah dagalaadaas iyaga oo ugu baaqay dhinacyada isaga soo horjeeda dagaalka inay joojiyaan xabada ayna soo wada fariisntaan miiska wada hadalka nabadoon Ahmed Salad Abdirahman oo ku hadlaya afka nabadoonada iyo waxgaradka baaqa soo saaray ayaa warbaahinta u sheegay Waxaan cadaynaynaa in colaadaha iyo dagaalada is daba jooga ah ee aafeeyay ummadda soomaaliyeed ay masuuliyada koobaad qaadanayaan cidda diidan wadahadlka iyo heshiiska ,

Sababna u noqday sii socoshada dhiiga daadanaya  una horseedaya  burburka iyo barakaca umada soomaaliyeed sidoo kale waxaanu aragnaa   ay jiraan ajandayaal dibadeed oo hurinaya colaadaha istaagi la’ kuwaas oo ay kala matalayaan kooxaha dagaalamayaa , sidaa daraadeed waxaan u soo jeedinaynaa in ay  ilahay ka  baqaan  xalka ummadana si wada jir iyo is afgarad ah lagu baadi goobo .sidoo kale waxaan ugu baaqaynaynaa   Ummadda soomaaliyeed , waxgaradkeeda, culimadeeda,Aqoonyahankeeda iyo hogaamiye dhaqankeeda in laysu taago sidii loo qabanqaabin lahaa  shir soomaaliyeed oo looga arinsanayo sidii loo badbaadin lahaa dalka iyo diinta ugu dambayntii nabadoon Ahmed Salad Abdirahman ayaa ugu baaqay caalamka Islaamka gaar ahaan dawladaha carabta  ee aan walaalaha nahay inay qaataan doorka xaqqa loogu leeyahay ee kaga aadan xalinta mushkiladda dheeraatay ee dalka soomaaliya.

Allcaseyr.net

Leave a comment

Filed under NEWS

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s