Qarax lagu weeraray Saldhiga Ceelasha biyaha ay ku leeyihiin Shabaab

Qarax bambaano oo geystay qasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac ayaa caawa waxaa lagu weeraray saldhiga ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al Shabaab ay ku leeyihiin deegaanka Ceelasha biyaha ee duleedka Muqdisho.

Sida ay sheegayaan wararka laga helayo deegaanka Ceelsha biyaha ee duleedka Muqdisho, caawa maqribkii ayaa qarax xoogan oo dhaliyay dhimasho iyo dhaawac, waxaa lala eegtay saldhiga ciidamada Al Shabaab ay ku leeyihiin isgoyska Ceelasha biyaha, waxaana qaraxa kadib Al Shabaab ay fureen rasaas dhimasho iyo dhaawac geysatay.

Qaraxa ayaa Al Shabaab waxaa uga geeriyooday hal askari iyadoo 2 kalana ay uga dhaawacmeen balse rasaas ay fureen ciidamada Al Shabaab qaraxa kadib ayaa waxaa ku dhintay qof haweeney ah, iyadoo ay ku dhaawacmeen 4 kale sida dad goobjoogayaal ah ay Shabelle u sheegeen.

In mudo ah ayay ciidamada Al Shabaab waxaa ay halad galiyeen isku socodka dadka iyo gaadiidka, waxaana ay sameeyeen howlgalo gaaban oo ay ku raadinayeen dadkii ka dambeeyay weerarkii bambaano.

Ciidamada Al Shabaab ayaa sidoo kale qarax kadib waxa ay la soo baxeen gaadiid ay ku xiranyihiin codbaahiyaal, kuwaasi oo ay dadka ugu sheegayeen in waqti hore ay magaalada ka xaroodaan.

Xaalada ayaa haatan waxaa ay tahay mid cakiran, iyadoo cabsi darteed ay u xirmeen howlihii ganacsiga ee ka jiray deegaanka Ceelasha biyaha, waxaana ilaa iyo hadda aan la ogeyn cida ka dambeysa weerarkaani bamgacmeedka oo horay ay ugu soo caanbaxeen Al Shabaabka lagu weeraray Caawa.

Leave a comment

Filed under NEWS

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s