Guddiga dib u hishiisiinta barlamanka oo baaq u diray Sheekh Shariif

Guddiga dib u hishiisiinta barlamanka KMG Soomaaliya ayaa ugu baaqay Madaxweynaha dowladda in uu ilaaliyo sharciga u dagsan dowladda uu madaxweynaha ka yahay.

Gudoomiye ku xigeenka guddiga dib u hishiisiinta ee barlamanka KMG Soomaaliya Max’ed Cumar Max’uud oo maanta isaga iyo wafdi uu hogaaminayo ka amba baxay Garoonka diyaaradaha ee magaalada Muqdisho ayaa ka hor inta uu san bixin waraysi uu siiyay Idaacadda Shabelle ugu baaqay Madaxweynaha dowladda KMG in uu ilaaiyo Axdiga KMG iyo sharciga u dagsan dalka.

Xildhibaan Max’ed Cumar Max’uud waxaa uu hoosta ka xariiqay in loo baahanyahay in hab sharci ah lagu xaliyo qilaafka ka dhaxeeya Madaxweynaha dowladda KMG iyo gudoomiyaha barlamanka KMG Soomaaliya sida uu hadalka u dhigay.

Gudoomiye ku xigeenka guddiga dib u hishiisiinta ee barlamanka KMG ayaa waxaa uu sidoo kale sheegay in go’aanada barlamanka loo baahanyahay in la raaco, isagoo intaasi  ku daray in waqti kordhintii barlamanka ay tahay mid la’isku raacay sharcina ah islamarkaana loo baahanyahay Hay’adaha Dastuuriga dowladda inay raacaan waxa kasoo baxa Barlamanka Soomaaliya.

Hadalka kasoo baxay guddiga dib u hishiisiinta barlamanka KMG Soomaaliya ayaa waxaa uu kusoo beegmayaa iyadoo maalintii shalay Madaxweynaha dowladda Sheekh Shariif Sheekh Axmed warqad qoraal ah oo kasoo baxay Xafiiskiisa Warafinta lagu shaaciyay in Xildhibaanada hadda jira aan awood u lahayn in gudaha dalka ay ku qabtaan doorashada Madaxtinimo taasi oo Xildhibaano farabadan dhaliileen

Leave a comment

Filed under NEWS

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s