Doorka qurbojoogta gobolka Raascasayr ay ka Qaateen horumarka gobolka oo maalmahan dambe laga dareemayay lajaan qaadka xadarada Dunida ee Maanta.

Waxaa iska cad in horumarka bulsho uu inta badan ka hanaqaado hadba sida bulshadaasi iskugu xidhantahay iyo sida habsamidle ee ay u maalaan maskaxdooda, muruqooda, ugana faa’iidaystaan aqoontooda, khayraadkooda, kaabayaashooda dhaqaale iyo kartida madaxda iyo hawl wadeenada bulshadaasi. Haddaba, waxa hubaal ah in midnimadu ay tahay tahay tiirka kowaad ee loo adeegsado wax qabad iyo horumar si kastaba ha ahaatee intii ay qurba joogto tageen deegaanada gobolka raascasayr waxa, maalinba maalinta ka danbaysa isa soo taraya horumarka gobalka, wacyi ahaan iyo wax qabad ahaanba. Taasina waxay marag u tahay sida ay qurba joogto ay kaalin baaxad weyn iyo qayb libaaxba uga qaadato horumarka bulshada. runtii waxaa muuqata in umada ku abtirsata deeganada raascasayr ay u istaageen inay ka tashtaan aayahooda ayna ka shaqeeyaan horumarka deeganadooda
hadaba qurba joogta oo aan oran karno waa kuwa u istaagay baraarujinta iyo ka talinta aayaha deeganada casayr ayaa waxaa horyaala hawlo badan oo ay ku horayso dhisada maamul tayo leh oo lagu xulo qaab aqoon iyo dhisida dhamaan adeegyada bulshada
ugu dambaytii waxaan kula talin lahaa dhamaan qurba joogta inaysan ka daalin dadaalka ay u wadaan bulshadooda ayna ka shaqeeyaan midnimada sidoo kale isku xidhnaanta iyo wada shaqaynta masuuliyiinta gobolka ayaa noqon doonta mid soo celisa rajadii gobolka raascasayr kuna guulaystaan inay horumar buuran gaarsiyaan gobolka
waa anigoo eng abdalla mohamed mohamuud   oo idin oranayo haka dalina shaqada aad u heysaan bulshadiina

Eng Abdalla Mohamed
Mohamuud

Allcaseyr.net

1 Comment

Filed under NEWS

One response to “Doorka qurbojoogta gobolka Raascasayr ay ka Qaateen horumarka gobolka oo maalmahan dambe laga dareemayay lajaan qaadka xadarada Dunida ee Maanta.

  1. waan idan salaamay dhamaan bahweenta siwaaqroon

    haatan ayaanu bilownay howlihi lagu gaarsiin lahaa deegaankeena anaga oo kaliya,horumar degdeg leh waa in uu qofwaliba oo sheegta beesha ween ee leh deegaanka casyer land meelwaliba oo ay joogaan u istaagaan horumarinta deegaankooda ,intaa ka dib

    waxaan la yaabay in ay durbaba soo baxeen wax aan la aqoon horna loomaqal oo bayaan soo saaray ay ku sheeganayaan in ay leeyihiin degaanka ,waxyaalahaas oo kale oo badan ayaad arki doontaan ama maqli doontaan ,waxa ay yihiin baa yar waxay ilatahay aniga
    kuqabsadi caanka ka noqotay puntland.
    laakin ma ay ogsoonyihiin in ay tahay tani casyerland arlo siwaaqroon?
    suashaa waxaan waraystay puntalandpost.
    mahadsanidin dhamaan.
    abdalla.

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s