Madaxweyne Shariif: Madaxweynaha waxaa soo doorankara Baarlamaan cusub

Khilaafka u dhexeeya labada Shariif ayaa hada meel xun maraya ka dib markii uu maanta Madaxweyne Shariif shaaciyey in aan Baarlamaanka hada jiraa uusan dooran karin Madaxweyaha Cusub, Madaxweyne Shariif wuxuu yiri”Madaxweynaha waxaa dooran kara Baarlamaan cusub oo lasoo dhiso, Gudoomiyaha Baarlamaankana ilaa la badalo baarlamaanka hada jira lama magacaabi karo”.

Madaxweyne shariif wuxuu hadalkaan u yiri ka dib markii ay soo baxeen warar sheegaya in Gudoomiyaha Baarlamaanka Shariif Xasan uu damacsan yahey inuu sameeyo gudoomiye Baarlamaan oo cusub, isaguna Madaxweyne isusoo sharoxo.

Waxaa kaloo soo baxaya warar sheegaya in Gudoonka Baarlamaanku uu hada gacanta ku heysto cod buuxa oo uu madaxweyne ku noqon karo, tasina waa sababta keentey in Madaxweyne Shariif uu maanta shaaciyo in aan baarlamaanka hada jiraa soo dooran karin Madaxweynaha cusub ee Soomaaliya.

allcaseyr

Leave a comment

Filed under NEWS

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s