Madaafiic dad rayid ah ay wax ku noqdeen oo lagu garaacay Bakaaraha

Duqeymo oo dad rayid ah ay wax ku noqdeen ayaa maanta waxa ay ku dhacday gudaha  Suuq wayn Bakaaraha ee magalada Muqdisho xili uu san socon wax dagaal ah.

5-qof oo rayid ah ayaa ku dhimatay ku dhawaad 30-kalena way ku dhaawacmeen Duqeyn maanta Ciidamada AMISOM ay ku garaaceen gudaha Suuqa Bakaaraha ee Magaalada Muqdisho.

Dadka dhintay iyo kuwa dhaawacmay oo la sheegay in dhamaantooda ay ku sugnaayeen Boosteejada gaadiidka laga raaco ee aada magaalada Baydhabo ayaa waxaa la tilmaamay in Madaafiic ka dhacaysay Xarumaha Ciidamada AMISOM ay ku hoobatay xili wax dagaal ah uusan ka socon magaalada Muqdisho.

Saraakiisha gadiidka gurmedka deg dega ee AMBALASTA oo la hadlay Idaacadda Shabelle ayaa waxaa ay xaqiijiyeen inay qaadeen dhaawaca 21-qof oo rayid ah islamarkaana ay arkeen dhimashada 5-qof oo iyana rayid ah oo ku sugnaa goobta madaafiicda ay ku dhacday.

Majiraan wax war ah oo kasoo baxay Saraakiisha AMISOM oo ku aadan duqeymaha Maanta ka dhacay Magaalada Muqdisho hase ahaatee  duqeyntaan ayaa imaanaysa xili maalin ka hor Ciidamada AMISOM sidaan oo kale Madafiic ay ula dhaceen xaafado ku yaala Muqdisho kuwaasi oo qasaaro uu kasoo gaaray dad rayid ah.

Leave a comment

Filed under NEWS

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s