Maamullada Ximin iyo Xeeb iyo Galmudug oo ku hishiiyay inay sameystaan ciidammo ammaan oo mideysan

Kulan ka dhacay degmada Cadaado ee maamulka Ximin iyo Xeeb ee ka dhisan goballka Galgaduud ayaa waxaa looga wada hadllay sidii ay maamulada Ximin iyo Xeeb iyo Galmudug isaga kaashan lahaayeen ka hortaga dagaallada inta badan ka dhaca deegaannada ay ka arrimiyaan.

Kulanka oo ay ka qeyb-galeen saraakiil ka tirsan labada maamul odayaal dhaqameed iyo waxgarad kale ayaa lagu waramayaan in lagu hishiiyay in la sameeyo ciidamo isku dhaf ah oo ka kala tirsan labada maamul, kuwaasoo sida ay yeesheen saraakiisha labada dhinac isha ku heyn doona dhaq dhaqaaq kasta oo colaadeed si markaa looga hortago.

”Waa talaabo loo qaaday dhinaca nabad-galyada, isku darka ciidamada labad maamulna waa mid muhiimad gaar ah u leh nabad-galyada deegaannada uu ka jiro maamulka labada dhinac ayuu yiri,” Xassan Timo-weyne oo dhinaca maamulka Galmudgu uga qeyb-galay kulanka.

Talaabada ay qaadeen saraakiisha ciidamada labada maamul iyo Ximin iyo Xeeb iyo Galmudug ayaa waxaa ay ku soo beegantay waan-waan iyo hishiis in muddo ah laga dhaxwaday beelo dhawaan ku dagaallamay deegaannada uu ka jiro maamulka labada dhinac, waxaana xusid mudan in mideynta ciidamada labada maamul ugu yaraan wax weyn ka tari karto is hortaaga kooxaha hubeysan ee inta badan kiciya dagaallada beelaha ka dhaxdhaca.

Leave a comment

Filed under NEWS

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s