Afhayeenka AMISOM oo sheegay inay wadaan qorshe ay ku doonayaan inay isugu ballaariyaan Muqdisho

Afhayeenka ciidamada AMSOM Maj. Ba-huko Barigye ayaa maanta oo Arbaco ah sheegay inay wadaan qorshayaal ay isballaarin ku sameynayaan, isagoo sheegay in ciidammo dhaaraad ah bishii hore kusoo biireen ciidankooda ayna doonayaan meel ay dajiyaan.

“Ciidamadeenna waxaa kusoo biiray askar badan bishii hore, waxaana doonaynaa inaan dajinno goobo cusub oo Muqdisho ku yaalla, waxaana socda qorshayaashii aan isugu ballaarin lahayd degmooyin dhowr ah oo ka mid ah kuwa ay ka taliso Xarrakatul Shabaab,” ayuu Maj. Barigye ku sheegay wareysi uu siiyay idaacadda Shabelle oo ka mid ah kuwa ka howlgala Muqdisho.

Afhayeenka AMSIOM, wuxuu intaas ku daray in degmooyinka ay sida gaarka ah u doonayaan inay isugu ballaariyaan ay ka mid yihiin, Huriwaa, Yaaqshiid iyo Dayniile oo ay Xarrakatul Shabaabul Mujaahidiin ka taliso.

“Qoysaskii ku noolaa degmooyinka ay Xarrakatul Shabaab ka taliso way ka qaxayaan, maalin walba waxaad arkaysaa haween iyo caruur sita agabyadoodii oo u soo tallaabanaya goobaha ay dowladdu ka taliso,” ayuu yiri afhayeenka AMISOM.

Dhanka kale, Maj, Ba-huko wuxuu sheegay inaysan iyagu mas’uul ka ahayn xirnaanshaha suuqa weyn ee Bakaaraha, wuxuuna mas’uuliyadda xirnaashahaas suuqaas dusha ka saaray Xarrakatul Shabaab oo uu sheegay inay ka qodeen godad waaweyn waddooyinkii laga geli lahaa.

“AMISOM marbana mas’uul kama ahan xirnaashaha Bakaaraha, waa la yaqaan cidda xirtay oo boholo waaweyn ka qoday jidadkii loo mari lahaa. Haddii aan doonayno inaan wax carqaladeyno maan carqaladeyno suuqyada ku yaalla Xamarweyne, Madiina iyo degmooyin kale,” ayuu yiri Maj. Ba-huko.

Hadalka Maj. Barigye ayaa imaanaya iyadoo dhawaan lagu eedeeyay AMISOM inay diideen in suuqa Bakaaraha loo furo waddooyink ay gaadiidka iyo dadku ka galaan, iyadoo la sheegay in DKMG ah iyo Xarrakatul Shabaab ay ogolaadeen in suuqa waddooyin loo furo.

Leave a comment

Filed under NEWS

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s