Xarakada Al Shabaab oo beenisay in goobo cusub lagala wareegay

Xarakada Mujaahidiinta Al Shabaab ayaa wax kama jiraan ku tilmaamtay wararka sheegaya in dagaaladii maanta ka dhacay degmada Boondheere ciidamadooda laga wareegay fariisimo ay horay ugu sugnaayeen.

Afhayeenka Ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al Shabaab Sheekh C/casiis abuu Muscab oo maanta saxaafada la hadlay inyar kadib markii uu qaboobay dagaalkii saakay ka dhacay degmada Boondheere ayaa waxaa uu sheegay in dagaalkaasi ay ku soo qaadeen ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM.

Waxaa uu sheegay abuu Muscab in ciidamada Al Shabaab ay is difaaceen islamarkaana ay ka hortageen weerar in badan la qorsheynayay oo uu sheegay in ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM ay ku qaadeen fariisimo ay kaga Sugnaayeen degmada Boondheere.

Abuu Muscab ayaa sidoo kale waxaa uu sheegay in ciidamada AMISOM ay weerar ku qaadeen fariisimo Al Shabaab ay ku lahaayeen degmooyinka Hodon, iyo Howlwadaag balse waxaa uu carabka ku dhiftay in ay is difaaceen isagoo meesha ka saaray iin goobo cusub lagala wareegay.

Afhayeenka ciidanka AL Shabaab waxa uu ku hanjabay in maalmaha soo socda ciidamada Al Shabaab ay weerari doonaan goobaha ay ku suganyihiin ciidamada AMISOM iyo kuwa dowladda KMG islamarkaana ay kala wareegi doonaan.

Leave a comment

Filed under NEWS

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s