Mashaariic horumarineed oo La Dhagax Dhigay Degmada Baargaal‏

Masuuliyiin Isugu jira Siyaasiyiin  , Aqoonyahano  , Qurbo Joog iyo
Ganacsato u dhashay Degaanka raas Casayr  oo uu wehelinayo Gudoomiyaha
Degmada Baargaal  Mudane Axmed Maxamuud yuusuf (Axmed Guray )ayaa
Waxay dhagax dhigeen  Mashaariic Badan oo Horumarineed Oo la
Damacsanyahay in laga hergaliyo Degmada Baargaal

Mashaariicdan oo Ay kamid yihiin , Mashaariic Xaga waxbarashada Ah
,Caafimaadka , iyo amniga.

Ugu Horayntii Waxaa La Dhagax Dhigay Dhulkii Loo Gartay In Laga Dhiso
Jaamacada Bilaal Axmed  oo Ku Fadhida Dhul Dhan 100 m x 100 m, iyo
Iskuulka Sare ee Asad oo asna ku Fadhiya Dhul Intaa La Cabir Ah.

Markaa Kadib Waxaa La dhagax Dhigay  ,Guryihii dawlada Hoose , ,
Saldhigii Police-ka , Xabsigii Degmada oo Asaga Laga Hirgalinaayo
Hadir Dheere .

Gabagabadiina waxaa la Dhagax dhigay , Cusbataalka Degmada , iyo
Garoonkii Degmada Baargaal oo horay aan garoon u lahaan jirin.

Dhawaanahan Waxaa ka socday Dadaalo lagu dhiirigalinaayo Ganacsatada
Degaanka In ay Maalgashadaan mashaariicda Horumarineed ee Degaanka ,
ayadoo uu todobaadkii Hore Lagu Soo Gabagabeeyay  Degmada Baargaal
Shirwaynihii Guud ee Wadatashiga , Nabada iyo Horumarinta Degaanada
Calbari Iyo LaasoSurad

Dhinaca Kale Waxaa Isaga Baxay Magaalada Baargaal  Dhamaan
Burcadbadeedii Kadib Markay Dhamaatay Muhladii Loo qabtay inay Uga
Baxaan Magaalada oo Ku ekayd Shalay 21/3/2011

8 Comments

Filed under NEWS

8 responses to “Mashaariic horumarineed oo La Dhagax Dhigay Degmada Baargaal‏

  1. aad iyo aad ayaan ugu farax sanahay inaan maqlo ama aan arko ismaamul cusub ee casayrland. run ahaantii waa wax lagu diirsado laguna farxo.waxaanan u hanbalyahaynaaa dhamaan xubnaha maamulka iyo dhamaan dadkii ka qayb qaatay oo dhan. waxaanan leeyahay walaalayaa hadii lagu qariyo waa lays muujiyaa ee halkaas kasii wada turxaan tana ka ilaaliya hawsha wanaagsan ee aad bilowdeen

  2. waxa anku faraxsansanahya gobalka binaah oo casumadiisu tahay bargaal wan ku faraxsanahay hormak laga sameyna ayo golabkaa w

  3. awil mohamoud saeed CAWIL CARAB

    dhammaan waxaan halkaan kasalaamayaa akhyaarta reer caseyrland … kadibna waxbarasha ayaa wax walba kamuhiimsan marka halagu dadaalo in dadka wax labaro…
    Mahadsanidin

  4. dhamaan waxaan halkan uga hambalyaynayaa dhamaan dadweynaha kudhaqan deegaanada maamulka cusub ee raasicasayr state of somalia waxaana urajaynayaa barwaaqo bash bash iyo baraare dawlada cusub ee r.caser state of somalia

  5. wle waan ku farax sahay wax qabadka gobalka raas casey waana u han balyeynaayaa wax qabadka

  6. masha allah allow gar gaar garte in ay degaankooda iyo dadkooda horumariyaan

  7. waxaan dhamaan hawada idiin soo marinayaa hambalyo aan idiin ku soo hanbalyeenayo fulinta goaanada ka soo baxay shirweeynihii la gu qabtay caasimaddii koowaad ee barul cajam(baargaal).
    si gaar ahaaneedna waxaan ku leeyahay dayarta beesha waa in aad ka faa ii daysataan fursadda maanta idan la soo daristay oo aad wax u barataan dalkiina hooyo kana qayb qaadataan hurumarinta dalka.
    hiil iyo hooba waanu idan garab taaganahay.
    mahadsanidin dhamaan.
    abdalla.

  8. mohamed saed

    Allcaseyr salaan kadib…
    Aad iyo aad baan usoo dhaweenaynaa mashruucan qimaha leh ee taariikhda gali doona madaama in ka badan 50 sano oo ay somalia soo jirtay aan laga hir galin noo caan oo kale waxana leeyahay ku wii ilahay ka aqbalo oo ilahay u fududeeyo haka dhigo insha alaah.

    wadashaqeen wacan

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s