Xukuumadda Libya oo xabad-joojin ku dhawaaqday iyo NATO oo qorshe ciidan wada

Xukuumadda Libya ayaa maanta ku dhawaaqday xabad-joojin shuruud la`aan oo dhineceeda ah ka dib markii habeenkii xalay Golaha Amaanku isku raacay in “la bad-baadiyo” shacabka dalkaasi ee kasoo hor jeeda xukuumadda Libya ee uu horkacayo madaxweynaha dalkaasi Mucammar Qadaafi.

Wasiirka arrimaha dibadda Libya Moussa Koussa ayaa maanta shaaca ka qaaday in xukuumaddiisu ay joojineyso dhamaan talaabooyinka maleteri ee ay wado, waxaana uu ku dhawaaqay xabad joojin shuruud la`aan ah.

Golaha Amaanka ayaa isku raacay in uu adeegsado aalad walba oo ay ku jirto talaabo maleteri, iyadoona qeybo ka mid ah dalka Libya lagusoo rogay cunaqabateyn xagga duulimaadka diyaaradaha.

Isbaheysiga NATO ayaa iminka wada diyaargarow dhinaca maleteriga ah, waxaana ay hawada iyo badda dalka Libya u direen diyaarado iyo maraakiib dagaal.

Arrintan ayaa kusoo beegmeysa xilli ciidamada Qadaafi ay ka awood roonaadeen mucaaradka dalkaasi, iyadoona laga soo sifeeyay inta badan magaalooyinkii ay qabsadeen.

Sidoo kale waxa ay kusoo aadeysaa xilli xukuumadda Libya ay shaaca ka qaaday inay kusoo afjareyso dagaalada ay mucaaradka kula jirto 48-saacadood.

Leave a comment

Filed under NEWS

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s