Qarax waxyeelo geystay oo maanta ka dhacay waqoyiga Gaalkacyo

Qarax waxyeelo geystay islamarkaana uu ka bad baaday xerilaaliyaha Maamulka Puntland ayaa maanta ka dhacay Waqooyiga Magaalada Gaalkacyo ee Xarunta gobolka Mudug.

Qaraxaani oo ahaa mid xoogan ayaa maanta ka dhacay afaafka hore ee waradhadii Galeyda halkaasi oo mudooyinikii u dambeeyay ay ka socdeen howlaha lagu bur burinayo dhismooyinka Sharci darida.

Qaraxa oo ahaa nuuca laga hago Ramuud Koontaroolka ayaa waxaa lala eegtay gaari uu saarnaa xerilaaliayaha guud Maamul goboleedka PuntlandMax’uud Xasan Aw Cusmaan oo mudooyinkii dambe ku sugnaa Waqooyiga Magaalada Gaalkacyo.

Inta la ogyahay qaraxa waxaa ku dhaawacmay 4 ruux oo mid ka mid ah uu ahaa ilaalada xer ilaaliyaha sida Idaacada Shabelle ay u sheegeen dad goobjoogayaal ah oo sheegay in uu saameyn ku yeeshay qaraxaasi.

Qaraxa kadib ayaa goobta waxaa soo gaaray ciidamo ka tirsan Maamul goboleedka Puntland kuwaasi oo bilaabay howlgalo ay ku baadi goobayaan cidii ka dambeysay qarax walow aysan kuguuleysan in ay gacanta ku soo dhigaan kooxihii qaraxa ka dambeeyay.

Taliyaha qeybta booliska ee gobolka Mudug Gaashaanle dhexe Aadan Nuur oo la hadlayay warbaahinta gobolka Mudug ayaa sheegay in ciidanka amnigu ay wadaan howlgalo ay ku baadi goobayaan kooxahaasi.

Leave a comment

Filed under NEWS

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s