Shabaab oo soo qab qabatay dad lagu sheegay gacan ku dhiiglayaal

Howlgal lagu qab qabtay dad lagu tilmaamay gacan ku dhiiglayaal ayaa maanta ciidamada Xarakada Al Shabaab waxaa ay ka sameeyeen deegaano hoostag degmada Xarardheere ee gobolka Mudug.

Howlgalkaani maanta ay ka sameeyeen ciidamada Shabaab deegaano hoostaga degmada Xarardheere ee gobolka Mudug ayaa ciidamo ka tirsan Xarakada Shabaab waxaa ay ku guulaysteen inay gacanta kusoo dhigaan ilaa 3-qof oo habeenimadii xalay rasaaseeyay gaari ka ambabaxay degmada Hobyo islamarkaana kusii jeeday degmada Xarardheere ee gobolka Mudug.

Falkii xalay ayaa lagu dilay mid ka mid ah rakaabkii saarnaa gaarigaasi, waxaana dadka deegaanka ay Idaacadda Shabelle u sheegeen in howlgalka ay ciidamada kusoo qabteen ilaa 3-qof oo sida la tilmaamay ay ahaayeen gacan ku dhiiglayaal, waxaana ay sheegeen in wali ay wadaan howlgalkaasi.

Mudooyinkii dambe ayaa deegaano hoostaga degmada Xarardheere ee gobolka Mudug waxaa ka socday howlgalo xoogan oo ay wadeen ciidamada Xarakada Al Shabaab kuwasi oo ay ku adkeynayeen amaanka wadooyinka gala degmadaasi.

Leave a comment

Filed under NEWS

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s