Kulan looga hadlayo xalinta Madaxweyne Shiriif iyo Shariif Xasan oo ka furmay Niarobi

Kulan looga hadlayo xalinta qilaafaaka u dhaxeeya Madaxweyne Sheekh Shariif iyo gudoomiyaha barlamanka Shariif Xasan Sheekh Aadan islamarkaana looga soo horjeeday waqti kordhintii barlamanka ayaa waxaa uu iminka ka soconayaa magaalada Nairobi ee Xarunta dalka Kenay.

Kulankan ayaa galinkii dambe ee maanta waxaa uu ka bilowday magaalada Niarobi, waxaana kulanka uu dhaxeeyay Gudoomiyaha barlamanka Shariif Xasan Sheekh Aadan iyo Ergayga Qaramada Midoobay u qaabilsan arimaha Soomaaliya Augustine Mahiga kuwaasi oo kawada hadlaya qilaafka u dhaxeeya Madaxweyne Shariif iyo Shariif Xasan oo ah gudoomiyaha barlamanka islamarkaana Ambassador Mahiga uu kusoo bandhigayo sida beesha caalamka ay uga xuntahay waqti kordhinta Mudanayaasha barlamanka.

Maxamed Cabdi Nuur Mascuud oo ah Wariyaha Shabelle ee dalka Kenya waxaa kusoo waramayaa in kulankaasi ay dibad joog ka yihiin, Wasiiro ka tirsan dowladda, Xildhibaano iyo Suxufiyiin kuwaasi oo ka dhowr sugaya wax kulankaasi kasoo baxaya.

Mudooyinkii dambe ayaa gudoomiyaha barlamanka KMG Soomaaliya Shariif Xasan Sheekh Aadan waxaa uu  magaalada Nairobi ee Xarunta dalka Kenya uu kulamo kula qaadanayay wadamo ka tirsan Caalamka kuwaasi oo kala hadlayay waqti barlamanka KMG iyo qilaafka kala dhaxeeya Madaxweynaha dowladda KMG Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed.

Leave a comment

Filed under NEWS

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s