Dadka Boosaaso oo lacag gaaraysa 100,000 oo dollar ugu deeqay dadka abuuruhu ay saameeyeen Puntland

Masaajidka Rowda ee magaalada Boosaaso waxaa maanta lagu oo jimce ah lagu qabtay kulan aad u ballaaran ,kaasi oo ahaa mid dhaqaale loogu aruurinayay dadka abuuruhu ay saameeyeen ee ku nool degaanada Puntland.

Waxaa ka soo qayb galay qaar ka mid ah culumaa’udiinka ugu caansan Puntland ,ganacsato ,aqoonyahano iyo qaybo ka mid ah bulshada rayidka ah, kuwaasi oo kaalmooyin ku darsaday lacagihii dadka loo aruurinayay. Culumaa’udiinkii joogay waxaa ka mid ahaa Shiekh Axmed Daahir,shiekh Daahir Aw-cabdi,Shiekh Axmed Xaaji C/raxmaan iyo culumaa’udiin kale oo caan ka ah gobolka.

Goobta lacagta lagu aruurinayay waxaa joogay qaar ka mid ah shirkadaha ka howlgalla deegaanada Puntland sida Golis oo is gaarsiisnta qaabilsan,taasi oo ku deeqday lacag gaaraysa  60,000 $ oo dollarka maraykanka ah.

Waxaa goobta lagu soo bandhigay warbixin ka hadlaysay sida abuurtu ay dadka u samaaysay ,taasi oo la aaminsanyahay in dad badan ay ka soo barakaceen miiga fog ee qaybaha kala duwan ee Puntland.

Tabarucaadka waxaa gacan ka gaystay qaar ka mid ah qurbjoogta reer Puntland,kuwaasi oo ku deeqay qayb ka mid ah lacagta ,waxaan iyada oo dhan ay gaaraysaa   $100,000 oo dallarka araykanka.

Sidoo kale goobta waxaa laga sheegay Akoono loogu tala galay in lacagaha dhiman lagu soo diro ,kuwaasi oo kala ahaa:

Dahabshil A/C:-2624
Amal A/C:- 47766-01
Salaam Puntland Bank A/C:- 2414:

Ugu danbayntii lacagahan ayaa la filayaa in ay wax badan u taraan dadka ku dhibaataysan gobollada Puntland ,waxaana arintan soo dhaweeyay qaar ka mid ah bulshada ku dhaqan gobolka oo u arka mid wax tar badan leh.

Leave a comment

Filed under NEWS

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s