Maamul cusub oo la magacbaxay UDUBLAND oo lagu dhawaaqay

Hotelka AL-BURJ ee ku yaala bartamaha magaalada Jeddah Boqortooyada Sacuudiga ayaa bartamihii bishii la soo dhaafay waxaa lagu qabtay xaflada lagu dhawaaqey dowlad goboleed lagu magacaabo UDUBLAND, waxayna ka koobantahay sida la sheegay, seddaxda gobol ee koonfurta Soomaaliya, oo ah Shabeellada Hoose, Jubbada Sare, iyo Jubbada Hoose.

UDUBLAND magaalo madaxdeeda waa , magaalada taariikhda dheer ku leh gobolka Sh/hoose ee  Magaalada Marka, taasi oo ah, caasimadda siyaasadda, waxaa kale oo halkaasi laga caddeeyey in magaalada Kismaayo ay tahay caasimad dhaqaale.

Xafladdaani waxaa kasoo qeyb galey dad fara badan oo u dhashey deegaannada UDUBLAND, iyo Soomaali weynta kale oo ay ugu horreeyaan masuuliyiin ka socotay Somaliland , oo halkaasi ka muujiyey farxad aad u ballaaran oo aan la qiyaasi Karin.

Waxa ka soo qeyb galey, haween , dhallinyero, siyaasiyiin, iyo aqoonyahaano, kuwaasi oo halkaasi ka muujiyeen taageeradooda buuxda ee ku aadan maamulkaani cusub,waxaa sidoo kale goob joog ka ahaa saxaafada Soomaalida

Inkastoo aysan aheeyn Maamulkii ugu horeeyay ayaa hadana aan la ogeyn sida uu uga shaqeyn karo Maamulkaan gobolada uu sheegay in uu madaxda ka yahay oo intooda badan ay gacanta ku hayaan Xarakada Mujaahidiinta Al Shabaab, waxaana dhowr jeer maamulo sidaan oo kale ku dhawaaqay dad dibad joog ah kuwaasi oo qaarkood dalka aan in mudo ah imaan.

Leave a comment

Filed under NEWS

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s